Madaxweyne Biixi: “Mustaqbalkeenu Khatar Weyn ayuu ku Jiraa”

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay dhibaatada kaga bixi karto iskaashi iyo isu tanaasul dhammaystiran.

 Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa  uu tilmaamay in dalku wax ku noqon karo marka shacabkeedu is kaashadaan oo ay u midoobaan dhibaato kasta oo hor taalla, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi“Somaliland oo dhammi marka ay isku darsanto ee ay waxeeda isu geyso ayey adduunka wax ka noqonaysaa, markaa waxan leeyahay dadku ha is kaashado, si aynnu uga baxno dhibaatooyinka jira.”

 Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bulshada ugu baaqay inay aamminaan awooddooda, si midaysanna uga hortagaan Aafada maandoorayayaasha kala duwan ee dalka lasoo gelinaya, islamarkaana ay arrintaas kala shaqeeyaan ciidamada Ammaanka.

“waxa inagusoo batay maandooriyayaashii, umadd mandooriye lagu saliday oo ubadkeedi soo kacay lagu talaalayna sannadaha soo socda tamar yeelan mayso, wuu dhaafay magaalooyinkii mandooriyuhu oo wuxu tegay goboladii iyo degmooyinkii kuma joojin karno ciidanka booliska oo maalin walba quraarad khamri ah ama xashiid eryanaaya. Hadii aynaan meel ugasoo wada jeesan waa aafo weyn oo mustaqbalkeena baabinaysa haddaan maandooriyaha si cilmiyana loola dagaalamin  mustqabalkeenu khatar ayuu ku jira” ayuu yidhi