Halyayga Aan Loo Heesin-Siduu Ku Noqday Xiddiga Lionel Messi

Xili-ciyaareedkan waxaa la diwaan galiyay waxyaabo aan marnaba la rumaysteen bilawgii xili ciyaareedkan waxaana ka mid ah in xiddiga kooxda Lazio ee Ciro Immobile uu hal mar dariiq wada mariyay labada xidig ee aduunka soo qabsaday in ka badan tobanka sannadood ee Messi iyo Ronaldo.

Ciro Immobile ayaa lagu tilmaami karaa in uu yahay halyayga aan loo heesin kadib markii uu soo afjaray abaal marinihii xidhiidhka ahaa ee uu Lionel Messi ugu soo guulaysanayay kabta dahabka ah ee Yurub isla markaana uu Cristiano Ronaldo ku garaacay laba abaal marinood.

May jirin cid rumaysan karaysay bilawgii xili ciyaareedkan in Ciro Immobile uu Cristiano Ronaldo ku garaaci karayo kabta dahabka ah ee gool dhalinta Serie A, sidoo kale may jirin cid aamini lahayd in la sheego in immobile uu joojinayo rekoodhka kabta dahabka ah ee Messi ku soo socday.

Laakiin hadda wax walba Ciro Immobile waa xaqiiq wuxuuna Ciro Immobile noqday ciyaartoyga hal xili ciyaareed gudihii meel wada mariyay Messi oo kabta dahabka ah ee Yurub si xidhiidh ah ugu soo guulaysanayay iyo waliba Cristiano Ronaldo oo doonayay in uu rekoodhka Messi ku soo dhawaado.

Immobile waxa uu sidoo kale barbareeyay rekoodhkii gool dhalinta abid ee horyaalka Serie A oo uu xili ciyaareedkii 2015/16 kii dhigay Gonzalo Higuain kaas oo dhaliyay 36 gool. Khadar Jacayl