Dalalka Masar Iyo Itoobiya Oo Ku Loolamaya Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa, (Aftahannews)-Loolanka loogu jiro in la kasbado Somaliland ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, iyadoo Ethiopia ay safiir buuxa u direyso magaaladda Hargeysa.Tani waxay kusoo aadaysaa, kadib markii ay Masar kor u qaaday qorshaheeda ay saldhig military uga dhisanayso Somaliland.Loolaanka waxaa uu u muuqdaa in uu kordhigay xidhiidh xumaddii u dhaxaysay Ethiopia iyo Masar ee uu sababay webiga Nile.Horaantii todobaadkaan, Ethiopia ayaa uga digtay Masar in ay ka fogaato in ay Saldhig military ka samaysato Somaliland, kaasi oo khatar amni ku ah geeska Africa.

Falcelintaani waxay timi maalmo kadib markii wefti ka socday Masar ay magaalada Hargeysa kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen soo jeedinta Masar ee ah in ay saldhig military ka samaysato Somaliland“Wadan shisheeye ahaan, Masar waxay xaq u leedahay in ay xidhiidh la sameysato wadan kasta oo ku yaalla gobolka,” ayuu yidhi Dina Mufti oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar. Si kastaba, waxaa uu hadalkiisa ku daray in xidhiidhadda Masar aan loo aas-aasin dal kale dartii“Hadii joogitaanka Masar ee gobolka ay khatar ku noqoneyso dal seddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yidhi.

“Arrintaan, waxaan u baahanahay in aan tusaale saxan u heysano waxa dhacaya. Waxaan rajayneynaa in aysan ahayn Ethiopia darteed ama dal-kale oo deris ah, haddii ay sidaa tahay, waxay noqon doontaa sharci-darro ka dhan ah bani’aadanimada iyo nabadda adduunka.” Ayuu ydhi.

Weli lama oga in ay Somaliland aqbashay soo jeedinta Masar, laakiin waxaa la sheegay in labada dhinac ay heshiis gaareen, isla markaana ay isdhaafsanayaan wakiillo heerkoodu sarreeyo.

Ergo ka socotay dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda Axmed Shide ayaa tagay magaalada Hargeysa, maalmo kadib booqashadii wafdiga Masaarida.Laakiin Muft waxaa uu diiday wararka sheegaya in booqashada Ethiopia ay ku timid walaac ay ka qabto qorshaha Masar“Waxaa jira jadwal joogto ah oo u jeedkiisu yahay in looga wadahadlo xidhiidhka laba geesoodka ah ee dalalka u dhexeeya, waxna kama quseeyaan Masar wafdiga Ethiopia ee tagay Somaliland.”

Isda uu egyahay muranku, Somaliland waxay u muuqataa in ay heleeyso faa’iidada ugu weyn, iyadoo kordhineeysa baadi goobkeeda aqoonsi caalami ah oo ay riixaysay muddo 30 sano ah.

Aqoonsi ay ka hesho Ethiopia iyo Masar oo ah cadowga ugu weyn ee qaaradda iyo qorshaha ay waddo Kenya waxay Somaliland u horseedi doonaan in boos adag ay doodooda uga helaan Midowga Afrika dhexdiisa.