Xisbiga Wada-jir oo Sharci-darro Ku Tilmaamay Ansixinta ay Sameeyeen Wasiirrada Xukuumaddii la Riday

ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR
ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR

Muqdisho(aftahannews):- Xisbiga Wada-jir, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xubnaha golaha adeegga garsoorka Soomaaliya oo ay anixisyeen golaha Wasiirrada ee Xukuumaddii Ra’iisal-wasaare Kheyre ee uu golaha hoose Barlamaanka iyo Madaxweynuhu rideen.

War-Saxaafadeed ka soo baxay xibsiga Wada-jir oo uu ku saxeexan yahay, ayaa lagu sheegay in Wasiirrada Xukuumad Barlamaanku uu riday aanay lahayn awood dastuuri ah oo ay wax ku meel-marin karaan, tallaabadan maantana ay tahay mid si ula-kac ah loo sameeyay.

Shir ay yeesheen golaha Wasiirradii Xukuumaddii la riday ee Khayre, ayaa lagu meel-mariyey xubnaha golaha adeegga garsoorka dalka Soomaaliya, iyaga oo isu muujinaya inay yihiin xukuumad awood dastuuri ah weli haysata.

Waxaana War-saxaafadeedka Xisbiga Wada-jir ka soo baxay u qornaa sidatan ee halkan hoose ka akhriso:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.