Waa Maxay ujeedka Tallaabooyinka Wasiirrada Xukuumaddooda la riday, Maxaase Dhuusamareeb lala Damacsan yahay?

GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA FARMAAJO 2020
GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA FARMAAJO 2020

Waa yaab waxaa qof walba oo waxgarad ah u muuqan kara in qaranimadii Soomaaliya ay haadaan ka sii laa-laado. Waxaa hoggaankii dalka hormuud u noqday koox innaba ha yaraatee aan sharciga u joojinayan oo uu aad u hoseeyo garaadkooda siyaasadeed. 

GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA FARMAAJO 2020
GOLAHA WASIIRRADA XUKUUMADDA FARMAAJO 2020

Shalay markii ay si xaq-darro ah dawladdii jirtay ku rideen ayaa la saadaalin karay waxa ay soo wadaan oo waa tii hore loo yiri: Biyo ay hortood dhooqo tahay dabadooda maxaad mooddaa?

Waxa maanta dalka ka dhacaya oo inoo wada muuqda waa biyihii hortoodu dhooqada ahay xaggoodii dambe!!  Waxaan aragnaa sharcigii oo lagu tumanayo!.  Waxaan aragnaa oo markhaati ka nahay gogol xaar loo samaynayo in kheyraadka dalka dharaar cad horteenna lagu boobo.

Shir ku sheeggii Golaha Wasiirada ee dawladdii la riday ay yeesheen Khamiis July 30,2020 waxay ku meel mariyeen qodobbo badan oo saddexdii sanno ee la soo dhaafay taagnaa duruufo iyo khilaafyo jiray awgeedna dhaqan geli waayay. 

Haddaba aan is weydiinee boobka ay damacsan yihiin ma wax shaqayn karaa?  
Si fudud jawaabtu waa maya.  Maxaa yeelay: 

1. Gar iyo gardarro wixii ay ahayd-ba dawladdii Kheyre waa tii la riday, Wasiiradiisuna waa ay la dheceen oo wax sharciyad ah oo ay wax ku maamulaan ma haystaan haba yaraatee. 

3. Kaba soo qaad Wasiiradu inay kuraasta xaq ku joogaan.  Ma sharcibaa dawlad ku meel gaar ah oo wakhtigeedu aad u kooban yahay, arrinkeeduna murugsan yahay oo sharci ahaanteeda aan la isku waafaqsanayn in ay go’aan ka gaaraan arrimo masiiri ah (Sida arrimaha Batroolka) oo u dhexeeya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyada oo aan laga talo gelin saamileyda siyaasadda dalka oo Maamul goboleedyada ugu horeeyaan.

Halkaas waxaa ka muuqda aqoon la’aanta siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa oo waxa caddaatay wax rag loogu maah-maaho maahee oraahdii ahayd: Dameertu inta aanay cida baran ayay dhuusada barataa   Waxaan leenahay wixii shirkaas ka soo baxay kama duwana neef la sii daayay. Waa wax kama jiraan, ujeedka laga lahaana sida aan cabbirayno waa ku dayid iyo in lagu carqaladeeyo dadaalada nabadeed ee Shirka Dhuusamareeb laga waday. 

Xogaha aan helayno shirkii Khamiista waxa uu hor dhac u yahay dadaallo kharbudaad ah oo ay Villa Soomaaliya u maleegayso Shirka Dhuusamareeb. Shirka Dhuusamareeb waxaa lala damacsan yahay in la majo xaabiyo oo deegaanka xasilooni darro laga abuuro.  Waxyaabaha na soo gaaraya waxaa ka mid ah in la doonayo laba arrimood hadba kii u fududaada: 

1. In dib loo soo abaabulo kooxdii Ahlu sunna waljamaaca oo amniga degaanka la gil-gilo si halkaas shir laguma qaban karo ay u soo baxdo. 

2. In beesha Madaxweynaha uu ka soo jeedo la soo kiciyo oo ay la yimaadaan tillaabooyin gobolka ka abuuri kara xasilooni darro oo sidoo kale sababi karta in shirka 3aad ee Dhuusamareeb ee loo ballansan yahay la baajiyo.

3. In la soo adeegsado kooxihii nabad diidka ahaa oo deegaanada Galmudug ay weeraro iyo qaraxyo ka maleegaan. (Ogow akhriste hadalkaas in aan la iska oran ee uu jiro xirriir kooxahaas ay la leeyihiin qaar ka mid ah xubnaha ugu sareeya ee Nabad sugidda Qaranka). 

Waa yaab mana yara!!  Dhuusamareeb maxay galabsatay oo duulaanka loogu yahay? War maxaa lala damacsan yahay? Waxaan oran karnaa waa duullaan qaawan oo gardarro ah.  Laakiin walaal indhaha fur: Sida ay iyaga la tahay Dhuusamareeb waxay u gaftay oo ka hor timid dawladda Farmaajo sababta oo ah: 

I. Waxay kulmisay madaxdii maamul goboleedyaha oo ay dawladdu kala ilaalinaysay muddo saddex sano iyo bar ah.

II. Dhuusamareeb waxay soo jiidatay indhihii caalamka iyo guud ahaan Soomaalida oo waxa ay u muuqatay magaalo nabadeed oo Soomaali isu keeni karta oo dawladda dhexe halkaas aragtidooda waa ay ku qadday.

III. Guud ahaan maamulka Galmudug iyo gaar ahaan Madaxweyne Qoor-Qoor sumcad wanaagsan ayay shirarkaas ku mutaysteen, gacantii dawladda dhexana na sida loo badinayo Qoor-Qoor wuu ka siibtay.

IV. Waxaa aad isugu soo dhawaday oo gacmaha is qabsaday Galmudug & Puntland, arrinkaasna Farmaajo & saaxiibadiis kuma farxin oo waxa ay u arkeen quwad hor leh oo ku dul dhisantay.

V. Madaxda dawlad gobolddyada ku kulmay Dhuusamareeb kadib markii ay isku mowqif noqdeen waxa ay yeesheen awood siyaasadeed oo dhanka xun markii laga eego shiiqisay awoodii Villa Soomaaliya, taasina markii dambe waxay sababtay in Kheyre la cayriyo.  

Aan is weydiinee guud ahaan maxaa maamul goboledyada Soomaaliyeed & gaar ahaan maamulka / shacabka reer Galmudug kala gudboon waxyaabaha Muqdisho ka dhacaya?  Sida ay ila tahay Maamulada waxaa la gudboon in ay isku mawqif ahaadaan oo meel uga soo wada jeestaan Ilaalinta sharciga dalka u yaal oo ay ku dadaalaan in doorashadu ay wakhtigeeda ku dhacdo si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo in kheyraadka dalka aan hortooda lagu bililiqaysan oo arrinkaas ay si dhab ah uga hor yimaadaan. 

Galmudug, shacab & dawladba si ay sharftooda iyo karaamadooda u ilaashadaan waxaa qumman in ay dhammaan u guntadaan ilaalinta amniga gobolka oo ay gacan bir ah ku qabtaan cid walba oo loo soo adeegsado in uu deegaanka khal-khal iyo amni darro ka sameeyo.  Waxaa la gudbaan reer Galmudug in ay ka dhabeeyaan sidii shirka Dhuusamareeb looga miro dhalin lahaa oo ay libinteeda u qaadan lahaayeen.

Ugu dambeyn waxaan Reer Galmudug uga digayaa in aan lagu kala qaybin Ra’iisul Wasaare maxllal ah oo ujeedka loo magacaabayo ay tahay: In iyagana lagu kala qaybiyo, shirka Dhuusamareeb lagu bur-buriyo, Soomaalina lagu kala diro kadib marka laba sano oo aan la isku waafaqsanayn Farmaajo & Baarlamaankuba ku darsadaan. 

Si fudud siyaasiyiinta reer Galmudug waxaan leeyahay go’aankiinu ha ahaado: Balaayooy ninkaa doono oo aniga i dhaaf.

Abdirazak Muse Hersi – Waxaad kala xiriiri kartaa abdirazakm@yahoo.com.