Hablaha Ururka Hoodaale oo Dharkii Ciidal-adxada ugu Deeqay 130 Arday oo Qur’aanka Ku Barta Machadka Abaarso

Hargeysa(Aftahannews):- Haweenka reer Somaliland ee ku nool dalka Netherland ee ku bahoobay Ururka Hoodaale ee Dalka Holand, ayaa Dharka Ciidal-adxada soo gaadhsiiyey Ardayda wax ka barata Machadka Barashada Qur’aanka iyo Culuunta Diinta Islaamka ee deegaanka Abaarso ee Muxumed Jaama.

Haweenka Ururka Hoodaale, ayaa sannad kasta dharka labada Ciidood ee 130 Arday oo Machadkaas wax ka barta kafaala-qaatay oo ugu deeqa. Iyaga oo ku soo hagaajiya Sheekh Aadan-Siiro oo ka mid ah Culimada ka shaqeeya horumarinta Diinta iyo taageerada Dadka jilicsan.

Sheekh Cabdillaahi Abbokor Guuleed oo ah Maamulaha Machadkaas, ayaa halkaas ka hadlay, isla markaana ka mahad-celiyey sida ay Haweenkaas iyo cidkasta oo ka qayb-qaadata daryeelka iyo dhiirrigelinta Ardayda Machadkaas.

Qaar ka mid ah Ardayda Machadkaas, ayaa iyaguna ka dareen-celiyey guddoonsiinta Dharka Ciidda ee loo qaybiyey, waxaanay Allaah uga beryeen inuu miisaanka xasaanadka ugu daro Dadka Illaahay dartii u taageera iyaga iyo goobta ay wax ku bartaanba.

Haddaba, Warkaas oo dhammaystiran waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.