Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka Digay in la Fashiliyo shirka Dhuusamareeb

ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR
ABDIRAXMAAN ABDISHAKUUR

Muqdisho (Aftahannews) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay in la baajiyo shirka 15-ka Agoust oo loo balansanyahay inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya hadda ay ku jirto xaalad kala guur ah, loona baahanyahay in laga fekiro inaanu shirkaasi baaqan. Isagoo tilmaamay in madaxda sare ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxtooyada uu ka muuqanayo cagajiid ballaadhan.

“Shirka Dhuusamareeb waa muhiim., dalkaanna si loo samata-bixiyo wuxuu u baahanyahay waa laba jid, mid wuxuu ku dhamaadaa Dhuusamareeb in mar kale la tago, kaas oo dhammaan Soomaalida iyo beesha Caalamka ay soo dhoweysay, midna wuxuu ku dhammaadaa aragtida taalla Villa Somalia oo ah muddo kororsi iyo inuu shirkaasi fashilmo” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegay warbaahinta .

Wasiirkii hore ee qorsheynta ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu dembeyn maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliya ugu baaqay in shirkaasi sidii loogu ballansanaa looga shaqeeyo, si xal loogu helo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.