Sheekh Aadan-Siiro oo Talooyin u Jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Meelo Fashil Hadheeyey oo uu Farta Ku Fiiqay

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa Talooyin u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa, waxaanu sheegay in loo baahan yahay inuu Madaxweynuhu wax ka qabto Dalka iyo Dadka kala irdhoobay intuu xilka hayey, isla markaana dhaqaaluhu aad u hoos-maray halkii uu ugu yimi Madaxweyne Biixi.

Sheekh Aadan oo qaar ka mid ah Warbaahinta maanta kula hadlay Hargeysa, ayaa ka warramay doorka looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha Islaamka ah oo ay ugu horreyso isku ururinta Dadka, Maamul-wanaagga iyo xallinta Khilaafaadka iyo furfurista dhaqaalaha, taas oo uu tilmaamay inaanay ka muuqan Hoggaanka Somaliland ee maanta.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), waxa uu sheegay inay muhiim tahay in doorashooyinka dalka laga qabto, si aanay Dadku u sii kala fogaan, waddooyin qaldanna loo marin, waxaanu soo jeediyey in la joojiyo Cashuuro xad-dhaaf ah oo ay Xukuumaddu ku mashquushay muddada saddexda sano ku dhaw ee ay jirtay.

Haddaba, Sida uu Sheekh Aadan-Siiro arrimahaas uga hadlay iyo Talooyinkaas uu Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa u jeediyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.