Xasan Sheekh Muxuu ka yidhi Kulanka Madasha Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka?

Muqdisho(aftahannews):- Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sharraxay ujeeddada Kulan isaga iyo Madaxweynihii ka horreeyay ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay la yeesheen Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamanka Faderaalka ah ee Soomaaliya 28-kii bishan July, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ka dib xil-ka-qaadistii golahaasi ku sameeyey 25-kii bishan Ra’iisal-wasaarihii Xukuumadda.

XASAN SHEEKH MAXAMED MURSAL IYO SHARIIF SHEEKH AXMED 2020
XASAN SHEEKH MAXAMED MURSAL IYO SHARIIF SHEEKH AXMED 2020

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inaanu jirin ajende gaar ah oo ay ka wada hadleen iyaga iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed iyo kuwa isoo wacayba in uusan jirin Ajande gooni ah oo aan ka wada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamanka, ma jirin farriin uu innoo siday , innagana uma dhiibin farriin kale.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh waxa uu xusay in Guddoomiyaha Baarlamanka uu ka mid yahay Madaxda Qaranka ee Soomaaliya, horena ay dhowr jeer u kulmeen. Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya, ayuu sheegay inaanu jirin wax iska beddelay mowqifkoodii ahaa in dalka lagaga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ku timaadda is-ogol siyaasadeed.

“Ma jiraan wax iska bedalay mowqifkeennii doorashada, waxaana aaminsanahay haddii talooyinkeenna la qaato in la qaban karo doorasho wanaagsan.” Sidaa ayuu Xasan Shiikh Maxamuud, waxaanu hambalyeeyey Shirkii ka dhacay Dhuusamareeb, isla markaana uu xusay inuu soo dhawaynayo g’aannadii ka soo baxay shirkaas ee la isla qaatay.

Hase-yeeshee, Shirkaas Dhuusamareeb ee Madaxda Dowlad-goboleedyada Soomaaliya halkaas ku yeesheen wejigiisii koowaad, halka wejigii labaadna lagu marti-qaaday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaarihiisu ku kala qaybsameen, isla markaana shirkaas iyo qodobbadii ka soo baxay ayey dad badani aaminsan yihiin inay qayb ka yihiin waxyaabaha galaaftay Ra’iisal-wasaarihii xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Ali Khayre ee keenay xil-ka-qaadistiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka dhex-maray Madaxda Madasha Qaran iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa warar warbaahinta qaar baahiyeen lagu sheegay inuu la xidhiidhay isla fahanka muddo-kordhinta ay Madaxweynaha iyo Golaha Mursal hoggaamiyaa doonayaan iyo weliba ka qayb-ahaanshaha iyo taageeridda Ra’iisal-wasaaraha uu Madaxweynuhu soo xuli doono, maaddaama oo Ra’iisal-wasaarihii hore xilka laga tuuray.

Haddaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo arrimahaas ka hadlaya, waxaannu sidoo kale idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.