Xukuumadda Somaliland oo Go’aanno Ka Soo Saartay Tukashada & Isu-soo-baxyada Maalmaha Ciidal-adxada

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aanno ka soo saartay qaabka loo tukanayo Salaadda Ciidul-adxada iyo isu-soo baxa Bulshada ee dabbaal-degga Farxadda maalmaha Ciidda awgeed, si looga badbaado faafitaanka Cudurka Corona-virus.

Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi iyo Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa bulshada la wadaagay qodobbo ay fareen inay raacaan Tukashada Salaadda Ciidal-adxa ee Berri Dalka oo dhan laga oogi doono, si looga dheeraado faafitaanka cudurka Covid-19 ee dalal badan oo dunida ah dib uga soo laba kacleeyey.

Wasiirrada oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Cudurku Dalal badan oo Dunida ah dib uga dillaacay, kuwo badanina ka cabsi qabaan, sidaas awgeedna loo baahan yahay inay Dadweynuhu taxatiraan inta lagu guda-jiro Tukashada Salaadda Ciidda, isla markaana aan Dadka waaweyn iyo Carruurta oo u nugul xanuunka aan la geyn garoommada iyo masaajiddada lagu tukanayo Salaadda Ciidul-adxada iyo goobaha Bulshadu isugu timaaddo ee Huteellada iyo meelaha carruurta lagu ciyaarsiiyo.

Ugu horreyn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa faahfaahiyey tilmaamaha ay dowladdu bulshada farayso inay ku dhaqmaan.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa geestiisa ka hadlay qodobbada la xidhiidha Caafimaadka iyo Cabsida laga qabo in Covid-19 mar kale bulshada ku dhex-faafi karo iyo waxa looga baahan yahay in Dadweynuhu ku dhaqmo.

Haddaba, labada Wasiir oo qodobbadaas oo faahfaahsan ka hadlaya, waxaannu Warkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.