Madaxweyne Biixi oo uga Digay Shacabka Somaliland in ay indho Qabiil ku eegaan Madaxda Qaranka

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somalilland uga digay in ay indho qabiil ku eegaan arrimaha qaranka iyo madaxda qaranka xilalka kala duwan u haya. 

Madaxweyne Biixi, ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta shacabka Somaliland ugu hambalyaynayay munaasibada Ciidul-adxada berri awgeed. Waxaanu Madaxweynuhu soo jeediyey in doodaha jira si qarannimo leh loo eego.

“Meelaha ay ka jiraan shaqaaqooyinku ee u badan deegaan yar oo la isku haysto, Berked meel laga qodo, xoolo daaqeen, Beer iyo jago dalkuna waa inagu filan yahay, waana wada leenahay marka la is qabto si miyir qabta halloo maamulo, dadka waayeelka ah, rag iyo dumar, cirroole iyo carruurba inta la isugu tago khilaafka halkiisa hallagu qabto oo hallaga daayo khilaaf kasta oo yimaadda iyo doodaha yimaadda ee loo rogaya  sida qabaliga ah, dood kasta oo qaranka  ka dhexaysa in loo rogo qabiilo ma aha, shaqo qaran qofkii hayana in la qabiileeyo ma aha oo sidaas dawlado kuma dhismaan, waxaynu doonaynaa inaynu qabiilka ka guurno oo u dhawaanno dhinaca qarannimada oo wax walba si qarannimo ah loo eego,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale ka hadlay ifafaalaha doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee inagu soo foolka leh, isaga oo shacabka usoo jeediyey inay doorashada u arkaan arrin dalka muhiim u ah oo lagu soo saarayo haldoorkii iyo labeentii shacabka hoggaamin lahaa.

“Waxan ku talinayaa inay dadku doorashada u arkaa arrin dal ahaan aynu doonayno inaynu hore ugu marno oo dadka inta wanaagsan ee ina hoggaamin karta aynu ku doorano heer walba, haddii ay dawlado Hoose tahay, mid Baarlamaan iyo mid madaxweyne.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu dardaaran usoo jeediyey dadka uu hungurigu kaga jiro inay kamid noqdaan goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee la filayo in dhawaan la doorto, waxana uu usoo jeediyey inay bulshada ka yareeyaan xamaasadda iyo cunfiga kala qoqobka keenaya.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.