Liiska boqolka Qof ee Afrika ugu sumcada badan oo lasoo bandhigay iyo Gabdho Soomaali ah oo ku jira

Hargeysa (Aftahannews) – Repeni Poll International, oo ah shirkad caan ku ah qiimaynta dadka sumcadda waanagsan ku leh adduunka, ayaa waxay sii deysay liiska boqolka qof ee qaaradda Afrika ugu caansan uguna sumcadda wanaagsan sanadkan 2020.

Liiskan waxaa ku jira 47 haween ah iyo 53 rag ah oo ka kala yimid waaxyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Hogaaminta, Madadaalada, U doodista, Waxbarashada iyo Ganacsiga. Shuruudaha xulashada ayaa ah Daacadnimo, Muuqaal iyo saamayn.

Shakhsiyaadka aadka loo jecel yahay ee lagu soo bandhigay liiska waxaa ka mid ah: Raiisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, 2 Madaxweynayaal oo Afrikaan ah, hal Madaxweyne ku xigeen iyo siyaasad-sameeyeyaal.

Sannadkan waxaa ka soo dhex muuqday labo hablood oo Somali ah, oo kala ah, Ilwaad Elmaan, u dhaqdhaqaaq xuquuqda aadanaha iyo Faadumo Dayib, musharrax hore oo madaxweyne Soomaaliya.