Itoobiya oo Saldhig weyn AMISOM ka siisay magaalada Jigjiga

Jigjiga (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku guuleystay dadaal uu waday muddooyinkii la soo dhaafay, isaga oo saldhig cusub ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka siiyey gudaha magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay qortay Majaladda Africa Intelligence.com.

Intelligence ayaa ku warrantay in ciidamada AMISOM ay sii joogi doonaan deegaanada Soomaalida, gaar ahaan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saldhigga AMISOM laga siiyey Jigjiga oo lagu tababarayo ciidamada ka qeyb-qaadanaya howl-galka ka dhanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale laga ilaalin doonaa amniga Itoobiya.

Sidoo kale, saldhigan cusub ee la siiyey ciidamada AMISOM ayaa u fududeyn doona howl-galkooda Soomaaliya oo qaatay in ka badan 14 sano oo dagaal ah.

Itoobiya ayaa qeyb ka ah howl-galka AMISOM, waxaana ciidamadeeda jooga Soomaaliya ay ka howl-galaan gobollada Hiiraan, Baay, Bakool, Gedo iyo Galgaduud.

Si kastaba ha’ahaatee lama oga inay qorshaha uu wado Abiy Abiy Axmed ay aqbali doonaan wadamada kale ee ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.