Xisbiga WADDANI oo sheegay in khaladaad uu Madaxweyne Biixi sameeyay ay dhabbaha u xaadhayso inay Doorashada ku guulaystaan

Hargeysa (Aftahannews) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa aad u dhaliilay hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in jidka uu Madaxweynuhu u maray hoggaaminta dalku tahay mid aan la Mahadin, maaddaama oo uu shaqooyinkii Hay’adaha Qaranka u dhiibay Dad aan Xirfaddooda lahayn, taasina ragaadisay Hay’adihii Qaranka ee ay loo baahnaa inay horumar sameeyaan.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo lagu waraystay Barnaamijka Masraxa siyaasadda ee Telefiishanka SAHAN ayaa inay aaminsan yihiin Xisbi ahaan in Shacabku ku hoggaabay hoggaaminta Madaxweynaha, sidaasi darteed ay doorashada soo socota guul-weyn ka gaadhi doonaan doorashada.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo ugu horrayn ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa waxay ka filayaan doorashada ayaa ku jawaabay “Doorashada soo socota waxaanu ka filaynaa inay noqoto jawaabtii koowaad ee Shacabka reer Somaliland ay ka bixinayaan Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi. 2 sano iyo badh (ka dib) Maanta Shacabka reer Somaliland waxa u cad dariiqa uu Madaxweynaha talada hayaa qaaday, waxa Cad in Madaxweynuhu uu Hoggaamintii Ummadda iyo Waddankan uu ku fashilmay, markaa rejada ugu weyn ee aanu doorashada ka qabnaa waxa weeyaan in Farriin Cad ay u dhiibaan Shacabku Madaxweynaha (Taasi) oo ah sida aanay ugu kalsoonayn, ugu qanacsanayn hoggaamintiisa, halkaana waxa laga garan doono Shacabku inay leeyihiin kuma qanacsanin habka aad wax u waddo, Dadka aad dooranayso ee aad xilalka qaranka u dhiibayso kuma qanacsanin. “

Xoghayaha guud wuxuu sheegay in inta badan Hay’adaha Dawladda ay Maamulaan Dad aan lahayn Xirfaddii looga baahnaa “Haddaad imika eegto Qaranka, waxaad mooddaa in Wasaarad walba la geynayo Qof aan Farsamada (Wasaaraddaa) garanayn, marka laga reebo Wasaarado yar oo kooban, Wasaaradihii ugu muhiimsanaa Wasaaradaha Qaranka ee ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee ay ahayd in la geeyo Dad aqoontaa iyo Farsamadaa leh ayaa la geynayaa Dad aan xirfaddaa lahayn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Haddaad soo tiro koobto Hay’adaha Dawladda oo dhan intee leh shaqada ay hayaan Xirfaddeeda iyo intee baan lahayn, Runtii waxa kuu soo baxaysa in inta badani aanay lahayn khibraddii iyo Xirfaddii looga baahnaa shaqada ay hayaan, waxayna muujinaysaa hab-maamulka Madaxweynaha iyo Hoggaaminta Madaxweynaha. Markaad Qof u dhiibto shaqo garanayn, waad ogtahay inaanu wax badan ku soo kordhinayn, adigana wax badan kaalla doodi karaynin, markaa si aad u hesho Dad Arday oo kale ah oo Adiga si fiican kuu dhegaysta waa inaad Nin walba ku taartaa (u dhiibtaa) meel aanu Xirfaddeeda lahayn.”

Xoghayuhu wuxuu sheegay inay rejo ka qabaan in khaladaad ay Xisbi ahaan rumaysan yihiin in Madaxweynuhu sameeyay ay Xisbi ahaan u noqon doonto Dariiq ay u maraan guul ay doorashada soo socota ka gaadhaan “Waxaan aad ugu Rejo-weynahay khaladaadkaa waaweyn ee Siyaasiga ah ee dhacay muddadaa labada sano iyo badhka ah ee Madaxweynuhu Talada hayey, hoggaamintaa Madaxweynaha ee aan la Mahadinin in Dadku jawaab cad ka bixin doonaan, sababta doorashada looga meeraysanayey muddadaasna sidaas inay tahay ayaan aaminsanahay.”ayuu yidhi.