Jamaahiirta Kubbada Cagta Oo Cod Ku Kala Saaray Afar Ciyaartoy

Codbixin lagu sameeyay barnaamijka Match of the day ee ka baxa BBC Sport ayay taageerayaasha kubabda cagtu ku kala go’aamiyeen afarta xidig ee u sharaxan abaal marinta laacibka sanadka ee horyaalka Premeir League ugu fiican.

Si ka duwan xili ciyaareedyadii la soo dhaafay waxaan sababta dib u dhicii xili ciyaareedka Premier League ee karoona fayras aan wali loo bixin abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier League ugu fiican.

Codbixinta BBC Sport waxaa iskugu soo hadhay saddex ciyaartoy oo Liverpool ka tirsan iyo hal ciyaartoy oo Man City wacdaro ka soo dhigay oo kala ah Jordan Henderson (Liverpool),Virgil van Dijk (Liverpool),Sadio Mane (Liverpool) iyo Kevin De Bruyne (Manchester City).

Laakiin codbixin ay taageerayaal aad u badani ka qayb qaateen ayay ku kala go’aamiyeen midka afartan ciyaartoy u qalma in uu ku guulaysto abaal marinta xidiga sanadka ee Premier League ugu fiican.

Kevin De Bruyne ayaa codbixintii taageerayaasha kubbada cagta kaga guulaystay saddexda ciyaartoy ee Liverpool ka tirsan ee Henderson, Mane iyo Van Dijk.

Jordan Henderson oo dhawaan ku soo guulaysatay abaal marinta FWA ayaa ka mid ah xidigaha ugu cad cad ee xili ciyaareedkan loo saadaalinayo abaal marinta PFA player of the year ee xidiga ugu fiican horyaalka Premier league.

Laakiin codbixinta lagu sameeyay BBC Sport waxaa 45% ka helay De Bruyne kaas oo noqday midka ugu codka badnaaday afartan xidig ee tartanka wayni dhex mari doono.

Laakiin haddii codkii taageerayaashu uu Kevin De Bruyne ay u doorteen xidiga u qalma abaal marinta ciyaartoyga sanadka ee Premier league ugu fiican, waxaa si rasmi ah abaal marintan u codayn doona dhamaan ciyaartoyda kooxaha Premier League.

Sharcida codbixinta ciyaartoyda Premier league ee abaal marinta xidiga sanadka ugu fiican ku xidhan ayaa ah in ciyaartoyda koox ayna u codayn karin xidiga kooxdooda ka tirsan taas oo la micno ah in ciyaartoyda Liverpool ayna isku codayn karin si la mid ah in ayna kuwa Man City u codayn karin De Bruyne.

Guardiola ayaan wax rajoah ka muujin in ciyaartoyga kooxdiisa ee De Bruyne uu ku guulaysan doono abaal marinta xidiga sanadka isaga oo aaminsan in Liverpool ay tahay kooxda markastaba uga fursada badan kooxdiisa City.

Laakiin waxay xaqiiqdu tahay in codbixinta xidiga sanadka ee abaal marinta PFA player of the year ayna maamul ama cid kale codayn doonin balse ay ciyaartoyda kooxaha oo dhami codkooda ku kala saarin doonaan musharixiinta ugu cad cad.

Natiijada Codbixintii BBC Sport

De Bruyne – 45%

Jordan Henderson – 27%

Sadio Mane – 11%

Van Dijk – 9%

Cid kale – 8%