Daawo Muuqaalka Shir caalami ah oo uu ka qaybgalay Guddoomiyaha UCID oo ka furmay Turkiga

Istanbul(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga kaga qaybgalay shir caalami ah oo maanta ka furmay magaaladaas, kaasooo lagu marti-qaaday, isla markaana si diirran loogu qaabbilay Weftiga Guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelaka UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti uu hoggaaminayo, maanta ka qaybgalay shir caalami ah oo ka furmay dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbuul, kaasoo lagaga hadlayo horumarinta Xisbiyada, dimuquraadiyadda iyo Xuquuqda Aadamaha.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo Xisbigu ka soo saaray shirkaas oo socon doona muddo laba maalmood ah. Xisbiga UCID waxay sheegeen in shirkaas oo sannadle ah uu Guddoomiyahoodu ku tagay marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda Turkiga. Warku waxa uu intaasi ku daray in Ergadda ka qeybgalaysay Shirkaas ee ka socotay Somaliland meeqaan sare loogu soo dhawweyay shirkaas.

Dalka Turkigu waxa uu ka mid yahay dalalka saaxiibka la ah Somaliland, isagoo xilligan muujiyay siyaasad furfuran oo u saamaxday inuu ka mid noqdo dalalka tanaaday ee caalamka, waxaanu Somaliland ka taageeraa mashaariic badan oo ku waajahan xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada Bulshada.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.