Mahadhooyinkii Xusuus-reebka Noqday Ee Covid-19. Qallinkii Cabdifataax Shaafi

Sidda aynnu la wadda socono dabayaaqadii sannadkii tegay, ayaa waxaa dunnida ka dilaacay xanuun aan ilaa hadda la gareynin waxayaabaha sida rasmiga ah u keenay, kaas oo loogu magac daray Coronaver ama Covid-19. Kaas oo dawladaha dhamaantood ay ku jaho-wareereen ama ay ku adkaatay  garashada daawooyinka xanuunkan dunnidda aafeeyey. Arrintani waxay kaliftay in uu sahaydo dad aad u badan oo dunnida ku nool.

Hadaba marka laga yimaado macluumaadka guud ee xanuunkan oo laga wada dharagsan-yahay waxaa jira arrimo xasuustoodo leh oo aan jecelahay in aan idinla wadaago kuwaas oo aan ugu magac-daray mahadhooyinka xanuunka safmareenka Covid-19, waxaan hubaa in ay jiraan dhacdooyin badan oo kale. Laakiin halkan waxaan idin kula wadaagayaa dhowr qodob oo hoos ku xusan:.

  1. Xanuun Loo Siman-Yahay: xanuunkanni waxa uu si wadda siman ugu dhacay dadka dunnida ku nool faqiir iyo taajirba, waase yaabe anniga ahaanteyda waa markii ugu horeysay aan maqlo Madaxweyne hebal ayaa laga helay xanuunkaas, taas oo dhegaha dadka aad ugu yareyd, ta ka sii yaabka badan ayaa ah xanuunkanni waa xanuunkii haleelay madaxdii ugu badnaa adduunka inta aan garanyo.
  2. Eedaankii Salaadaha Oo Wax Ka Brdel Lagu Sameeyey: Waa markii iigu horreysay aan maqlo ama aan arko eedaankii salaadaha oo uu ku yimi isbedel kaas oo ah in eedaanka la raaciyo ku tukada guryihiina xaggii laga odhan lahaa salaadda kaalaya ku tukada Masaajidka.
  3. Waa Markii Ugu Horeysay Ee La Xidho Masaajidka Xaramka Muddo: Muddo lagu qiyaasayo qarnni lama xidhin xaramka, laakiin khatarta xanuunka awgii wuxuu keenay in la xidho xaramka si looga digtoonaado ama loo yareeyo faafida xanuunka Covid-19.
  4. Korodhka Dadka Soo Galaya Diinka Islaamka: Marwalba oo la arko xaqiiqooyin waaweyn oo muujinaya awoodaha ILLAAHAY, dad badan ayaa ku soo biira diinta Islaamka, maadaama ay tahay diinta kaliya ee saxda ah, sida la ogyahay dadkii ugu badnaa muddo ayaa ILLAAHAY waafajiyey diinta islaamka.
  5. Aroos Ay Ka Soo Qeyb Galeen Kaliya Laba Qof: maadaam xanuunkan lagu kala qaado siyaabo badan, isla markaana uu yahay dilaa, dadku waxay miciinsadeen in ay kala fogaadaan taasi waxay keentay in aan leysu imaan. Haddaba aroosyada oo aynnu naqaanay in uu kulmiyo dadyow badan ayaa markan noqday mid kooban, tanina waxay keentay in aroos ka dhacay wadamada yurub ay kaliya ka soo qeyb galaan laba qof oo kaliya marka laga reebo labaddii qof ee is-calmaday.
  6. Tiradda Dadka Loo Oggolaaday Gudashada Xajka Oo 50% La Dhimay. Dadka soo guta xajka sannad walba waxaa lagu qiyaasaa illaa todoba milyan oo qof kuwaas oo ka kala yimaadda wadamada caalamka dhamaantood, Haddaba la-tacaalidda khatarta xanuunkan wuxuu keenay in la dhimo kala badh dadkii tagi jiray sannad walba, waxaa iyana jira waddamo gabi ahaanba laga mamnuucay in ay ka mid noqdaan dadka loo oggolaaday.

7-Waxa Gabi-Ahaanba La Xidhay Goobihii Qur’aanka Lagu Baranayay: Waa markii koowadda ee la xidho goobo dadku ku bartaan qur’aanka iyo kitaabka alle.

Dhacdooyinkiinna iyo kuwo kale alle innaguma keenna ayaa ka dhici kara dunnida aynnu ku noolnahay, Balse waxaas oo dhimi waxay u baahanyihiin ay aynnu alle isu-xidhnno oo aynnu badinno xuskiisa iyo xasuustiisa. Taas oo ah inuu alle naga magan-gelin doonno masiibooyinkiisa.