Farshaxamiiste 16 Sanno Ka Dib Badbaadisay Gabadh Uu Dhalay

Markii uu Matjames Metson nolosha ka quustay kaddib musiibadii duufaanta Katrina, gabadhiisa oo aannu arkin 16 sanno ayaa badbaadisay.

Ninkan oo farshaxamiiste ah wuxuu khasaare badan kala kulmay duufaanta taariikhiga ahayd – taasoo uu wax walba ku waayay – wuxuuna dareemay in noloshiisa ay gaadhay heer gabo gabo ah.Walbahaarta uu dareemayay wuxuu sababi inuu noloshiisa soo afjaro. Laakiin waxaa soo wacay qof aannu fileynin.Waa gabadhiisa oo aannu la kulmin ilaa markii ay carruurta ahayd, iyada ayaana siisay sabab kale oo uu usii noolaado.

Matjames Metson isaga qudhiisa wuxuu ahaa 16 jir markii uu la kulmay haweeneyda markii dambe hooyada u noqotay gabadhiisa“Selanie waxay soo gaashay fasalkeygii maaddada taariikhda Mareykanka, aad baana uga helay islamarkiiba. Durbadiiba waxaan billaabay inaan ka shaqeeyo sidii aan ku baran lahaa gabadhaas,” ayuu yidhi.

Matjames waalidiintiisa waxay ahaayeen farshaxamiisteyaal, adeerkiis oo hooyadiis seygeeda ahaana wuxuu cilmiga farshaxanka ka dhigi jiray iskuullada magaalada.”Mar kasta waan guuri jirtay, wayna igu adkeyd inaan sameysto dad saaxiibbo ah,” ayuu yiri Matjames. “Mar walba oo aan dadka isbaran rabno waan kala tagi jirnay, ilaa maantana sidaas ayaan ku socdaa.”

Kaddib markii ay in muddo ah dagganaayeen koonfurta Faransiiska, qoyskiisa waxay u guureen magaalo yar oo ku taalla gobolka Ohio, halkaasoo uu kula kulmay gabdhii ugu horreysay ee uu saaxiib la noqday, waana Selanie“Xidhiidh ayaan sameysannay, dhowr sanno ayaana wada soconnay, kaddibna wuu soo afjarmay xiriirkeennii. Laakiin Selanie uur ayey ii yeelatay,” ayuu yidhi Matjames. Xilligaas Matjames wuxuu ahaa 18 jir wuxuuna dareemayay inauusan wali diyaar u ahayn aabbenimo”Aad baan u cabsanayay. Adduunyada oo dhan ayaa jahwareer ila noqotay,” ayuu yidhi

Markii ay gabadha yar dhalatay, Matjames wuxuu Selanie kula kulmay cusbitaalka wuxuuna markii ugu horreysay dhabtiisa saaray gabdhiisa.Wuxuu sheegay in xilligaas uusan niyad ahaan u dareemeynin xaaladda aabbenimada.

Matjames wixii xilligaas ka dambeeyay wuxuu billaabay inuu ka cararo gabadhiisa iyo hooyadeed, dib dambe inuu ula kulmana ma uusan dooneynin“Hal mar iguma soo dhicin inaan meel fadhiisto oo aan si kalinnimo ah uga fakaro xaaladdaas. Waxaan door biday inaan cararo, sidaas ayaana mar walba uga sii fogaan jiray.”

Muddo markii uu joogay magaalooyinka Montreal iyo Boston, Matjames wuxuu ugu dambeyn dagay magaalo ka tirsan gobolka New Orleans, xilligaasna da’diisu waxay ahayd 19 ama 20 sanno.Way u suurtoobi weyday inuu ka baxsado xaaladdiisii hore. Goor dambe wuxuu Matjames farshaxan ka sameeyay noloshiisii.