Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Oo  Magacaabay Komishanka Tamarta.

Hargeysa, (Aftahannews)-Warkan oo aanay weli baahin Madaxtooyadu, balse Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Komishankani uu ka kooban yahay 7 xubnood, kuwaasi la sheegay inay Maamuli doonaan oo ay Masuul ka noqon doonaan hawlaha la xidhiidha Tamarta iyo ka faa’idaysigeeda.

Komiishankan Qaran ee Tamarta Somaliland ayaa waxa la sheegay inay kala

  1. Axmed Faarax Cadare (Guddoomiye)
  2. Cabdirisaaq Maxamed Cumar – (Guddoomiye ku-xigeen)
  3. Liibaan Maxamuud Axmed (Xubin)
  4. Khadar Cabdi Khayre – Xubin
  5. Ubax Maxamed Maxamuud – Xubin
  6. Cabdirisaaq Maxamud Cali – Xubin
  7. Yuusuf Jaamac Cali – Xubin iyo Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow) oo looga dhigay Agaasimaha guud ee komishankan.

Tallaabada uu Madaxweynuhu ku Magacaabay Komiishankan ayaa u muuqata mid uu Hawlihii Tamarta ka Madax-bannaaneeyay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo hore Qaranka ugu Qaabilsanayd hawlaha la xidhiidha Tamarta.

Sanadihii u dambeeyay waxa Somaliland ka taagnaa khilaaf la xidhidha Quwadda Tamarta ama Laydhka, ka dib markii inta badan Shirkadaha bixiya Laydhku ku midoobeen hal shirkad, halka Shirkado koobana diideen inay ku biiraan.

Shirkadaha diiday Inay la midoobaan Shirkadda ay Shirkadaha badankoodu ku midoobeen, ayaa dhowr jeer Warbaahinta ka sheegay in Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu dhexdhexaad ka ahayn khilaafkooda, waxayna dacwado arrimahaa la xidhiidha u gudbiyeen Baarlamaanka, kaasi oo isaguna bilaabay baadhitaan.