Taariikhda La Ciyaarayo Kulamada Man City vs Real Madrid, Juventus vs Lyon, Barcelona vs Napoli & Bayern

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay taariikhaha la ciyaari doono kulamada ka hadhsan wareega 16-ka ee UEFA Champions League oo isku aadkiisa wareegyada siddeeda iyo afar dhammaadka maanta la sameeyay.

Wareega 16-ka ee Champions League ayaa ahaa mid bilaabmay bishii February ee sanadkan balse wakhtigaas ayuu si lamid ah dhammaan tartamadii kale ee ciyaaraha hakad galiyay xanuunka saf-marka ah ee Korona.

Aan ku bilawnee Juventus ayaa lugtii hore ee kulanka ay booqatay kooxda ree France ee Lyon guuldarro 1-0 ah lasoo laabatay taas oo ka dhigan in kulanka dambe ee Allianz Stadium ay shaqo u taalo.

Dhinaca kale Barcelona ayaa bar-bardhac kula soo gashay Napoli lugtii hore halka kooxda Manchester City ay 2-1 kaga soo adkaatay Real Madrid lugtii hore ee wareega 16-ka kulankii ka dhacay Santiago Bernabeu.

Ugu horreynba, Juventus ayaa 7-da bisha August oo maalin Jimce ah soo dhawayn doonta kooxda Lyon iyadoo kooxda soo guuleysataa ay ay wareega siddeed dhammaadka ku wajihi doonta midka soo baxa Man City iyo Real Madrid.

Kulanka Napoli ay soo booqanayso Barcelona ayaa ah mid loo qorsheeyay habeenimo Sabti ah oo ku beegan 8-da bisha August iyadoo kooxda soo baxdaa ay ku beegmi doonto Bayern Munich iyo Chelsea midkood.

Manchester City ayaa sidoo kale Real qaabili doonta Jimcaha 7-da bisha August halka ciyaarya Chelsea vs Bayern Munich ay tahay 8-da August oo Sabtida ah.