Itoobiya Oo Shaaca Ka Qaaday Magacyada Rag Looga Shakisan Yahay Dilkii Fanaanka Hachalu

Addis-abab (Aftahannews)-Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday magacyada labo qof oo looga shakisan yahay dilkii dhawaan dalkaas loogu geystay heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa xilli ay socdaan baaritaannada ku aadan dhacdadaas.

Sida laga soo xigtay xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe waxay sheegtay in raggan looga shakiyay dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen.

Waxaa lagu sheegay magacyada raggan la qabtay, Tilahun Yami oo ahaa ninkii xabadda ku riday Hachalu, halka Abdi Alemayehou uu ahaa ninkii caawinayay ninkaas markii uu dilka dhacayay.

Mas’uuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in raggan dilka fuliyay ay ka amar qaadanayeen koox la yidhaahdo “Shane” oo horraan ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF.

Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay rabshada ka dhashay dilka fanaanka, waxaana qalalaasahaas ku dhintay in ka badan 200 qof.