Madaxii Guddi Uu Madaxweyne Biixi U Magacaabay Maamulka Mashruuca Dhismaha Waddada Berbera-Wajaale Oo Iscasila

Hargeysa (Aftahannews) – Waxa Is-casilay Madaxii Mashruuca Dhismaha Jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaanno ‘Berbera Coridor’ ee Dalka Imaaraadka Carabtu Maalgelinayo.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa horraantii bishii la soo dhaafay ee June Magacaabay Lix Xubnood oo Masuul looga dhigay Maamulka Mashruuca dhismaha Waddada Berbera-wajaale, waxaana lixda xubnood ka mid ahaa Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) oo isagu ah Ninka ugu sarreeya ama Madaxa Guud ahaan Mashruucasi.

Laakiin, Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) ayaa Masuuliyaddaasi iska Casilay Toddobaadkan gudihiisa.
Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) uu Iscasilaaddiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland, laakiin lama faahfaahin sababta keentay inuu Casilo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Mr. Dhuudhi ka aqbalay Is-casilaadda isla-markaana uu halkiisii ku beddelay Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo ahaa Guddoomiyihii Komiishankii doorashooyinka Somaliland.