Sheekh Reaction Ka Bixiyey Heesta Cusub Ee Cabdiraxmaan Oday Iyo Fannaanad Hirut

Hargeysa, (Aftahannews)-Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo ka mid ah culimadda waaweyn ee dalka, ayaa ka hadlay hees ku cusub dhegaha bulshadda oo loo sameeyey muuqaal aan indhaha  u fiicnayn oo maalmihii u dambeeyey lagu faaqiddayay baraha bulshadda.

Heestan oo si wadda jira u soo saareen labadda fanaan ee kala ah Cabdiraxmaan Oday iyo Hirut oo ah fannaanad reer Itoobiya ah oo ku heesta, heesaha afsoomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnayd dalka. Heestan oo magaceedda la yidhaa “IINOQO”.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere ayaa labadda fannaan ugu baaqay inay ilaahay ka cabsadaan oo dhallinyaranimaddood ku khatimin dhaqan xumo iyo fasahaad.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere wuxuu sidda ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishinka Eryal. waxaannu sheegay in heesuhu markoodda horre xaaranyihiin, balse ay ku soo darsantay heestan jiladda dhaqan xumadda ahi ka muuqato.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi”Arrin dhaqan xummo ah oo ku saabsan hees maalmahan baraha bulshadda la soo dhigayay. Sidoodaba heesuhu waa waxyaabaha sharcigeennu xarimay oo markoodda horre ayaynna shay bannaan ahayn, oo ilaahay wuu innoo diiday, nebigeennu wuxuu innoo sheegay in aakhirro sabaanka soo bixi doonnaan qoom sinadda, muusiga iyo xarriirta bannaysan doonna. Markoodda horre ayay heesuhu yihiin shay xaaran ah ayaa arrintan dambe ee cusub ee maanta soo korordhay ay ku darsatay dhaqan xummo kale. Waxaan marka ugu baaqaya isaga iyo qayrkiibba in ay ilaahay ka baqaan.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Dheere, waxaannu hadalkiisii sii raaciyey “In aanay adduunyadda ku dhammaysan cimrigoodda fiican iyo dhallinyaranimaddooda ilaahay siiyey, in aanay ku dhammaysan cadho ilaahay, adduunka in aannu ka tagin isaga oo ilaahay u cadhaysanyey, waxaan shaki ku jirin inuu maalin maalmaha ka mid ah adduunka ka tegayo sidda uu maalin maalmaha ka mid ah u yimi.”

Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Dheere wuxuu sheegay in gabadhaasi dalka u soo jiiddo fasahaad”Gabadha jidhkeeddii soo bandhigtay ee aan xishoonayn in dad badanni ku daydaan baa laga yaabba oo fasahaad badan dalka u soo jiido oo dhallinyarro badanni ku lummaan, waxaan iyaddanna ilaahay uga baryeyaa inuu khayrka waafajiyo.”Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Dheere