Ganacsatadda Qaadka Ee Kenya Oo Ka Hadlay Khasaarihii Dhaqaale Ee Ka Soo Gaadhay Diyaaraddii Dawladda Soomaaliya Ka Celisay Hawadda Somaliland

Nairobi, (Aftahannews)-Ganasatada qaadka ee dalka Kenya ayaa la kulmay khasaare xooggan oo lacageed, kadib tallaabadii ay dowladda Soomaaliya diyaaradda uga celisay Magaaladda Hargeysa bilowgii toddobaadkan.

Ganacsatada waxay sheegeen inay la kulmeen khasaare xooggan, qaadkii saarnaa diyaaradda oo lagu sheegay 13.6 tan ayaan gabi ahaan la dajin waxaana dib loogu celiyay halkii laga keenay.

Gudoomiyaha ururka ay ku midaysan yihiin ganacsatada qaadka Kenya ayaa la hadlay warbaahinta gudaha ee wadankiisa wuxuuna sheegay in diyaaradda la soo celiyay markii hore loo oggolaaday inay halkaas tagi karto.

Nyambene oo ah Gudoomiyaha ururka wuxuu saxaafadda la wadaagay in lacag dhan 80 kun oo Dollar ay khasaarayaan hadii aan qaadka lagu geynin wakhtiga loogu talgalay.

 “Qaadka qiimahiisa wuxuu ahaa 30 kun dollar, 25 kun dollar waxay noqonaysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaan aqbalaad ka helnay hay’adda duulista rayidka ee Somaliland, wax walba waxay u socdeen si fiican ilaa markii dambe ay diyaaradda gashay hawadda Soomaaliya, dib u laabo waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ayaa lagu yidhi duuliyihii diyaaradda” ayuu yidhi Munjuri oo la hadlayay Standard.

Shixnadii sharci darrada lagu tilmaamay ee laga soo celiyay Hargeysa waxay wali taallaa garoonka Jommo Kenyatta, waxayna doonayaan ganacsatada inay ogaadaan sababta dhabta ah ee loo soo celiyay diyaaradda.

Ganacsatada reer Kenya ee qaadka aad bay ugu farxaan inay suuq ka helaan Somaliland, maadaama markii hore uu uga imaan jiray Itoobiya oo ay rabshado ka jiraan, waxaana kuwa Kenya heysatay suuq la’aan baahsan tan iyo markii uu dilaacay COVID19 oo ahaa xannuun ragaadiyey isu-socodkii bulshadda.

Ilaa hadda xukuumadda uu gadhwaddeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi ayaan ka hadal awoodda dawladda Soomaaliya u siisay inay farra-galiso diyaaradaha ka soo degayaa madaarka Somaliland.