Ra’iisulwasaare Geeriyooday Isagoo Kulan La Lahaa Golihiisa Wasiiradda

Hargeysa, (Aftahannews)-Raiisul wasaarihii dalka Ivory Coast Amadou Gon Coulibaly ayaa geeriyooday kaddib markii uu xanuun ku soo booday isaga oo kulan la lahaa wasiirada xukuumadiisa.

Da’diisu waxay ahayd 61 waxaana dhawaan loo doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga talada dalkaasi haya doorashada bisha soo socta ee Oktoobar’ kadib markii Alassane Ouattara oo ah madaxweynaha dalkaas uu sheegay in aanu mar sedexaad uu u tartami doonin xilka madaxtinimada.

Mr Gon Coulibaly ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Faransiiska halkaas oo muddo laba bilood ah looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha.

Madaxweynaha dalka Ivory Coast Ouattara ayaa sheegay in dalku uu ka murugeysanyahay Raiisul wasaaraha geeriyoday.

Waxa uu sheegay in Mr Gon Coulibaly uu xanuunsanayey intii lagu jiray shirkii golaha wasiirada ee todobaadlaha ahaa iyadoo loo qaaday isbitaalka halkaas oo uu markii dambe uu ku dhintay.