Kooxaha Liverpool Iyo Man.City Oo Guul Isugu Jawaabay

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa gaadhay guushii labaad oo xidhiidh ah kaddib guul-darradii Manchester City, waxaanay 3-1 ku garaacday Brighton oo ay marti ugu ahayd Amex Stadium.

Mohamed Salah ayaa dhaliyey laba gool oo uu ku galay taariikhda kooxda, waxaanu daqiiqaddii lixaad dhaliyey goolka hore ka hor intii aanu Jordan Henderson laba daqiiqadood oo kali ah kaddib midka labaad raacin.

Dhamaadka qaybta hore ayay Brighton ciyaarta dib usoo celisay oo ay ka dhigtay mid furan, waxaana gool u dhaliyey Leandro Trossard, laakiin qaybta labaad markii lagu soo laabtay ayuu Mohamed Salah goolkiisa labaad ee ciyaarta dhaliyey.

Manchester City ayaa cadhada guul-darradii Southampton kula dhacday Newcastle United, waxaanay ku karbaashtay 5-0.

City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium waxay ku martigelisay Newcastle iyadoo kasii niyad-jabsan guul-darradii lama filaanka ahayd ee ay Axaddii kala kulantay Southampton, waxaana goolasha u furay Gabriel Jesus oo ciyaarta oo toban daqiiqadood oo kali ah socota goolka koowaad dhaliyey, ka hor intii aanu Riyad Mahrez daqiiqaddii 21aad 2-0 ka dhigin natiijada ciyaarta.