Xaglatoosiye: “Siilaanyo Wuxuu Jeclaa Horumarka Buuhoodle, Laakiin waxa Hagradday Gacan-yarayaashiisii Kala Dambeeyey..”

Buuhoodle, (Aftahannews)-Wasiirkii horre ee Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye iyo Wasiirkii horre ee warfaafinta Puntland Cali Sabaray ahaanna ku-xigeenka Xaglatoosiye ee ururkii SSC, ayaa ku kulmay muddo sagaal sannadood ka dib magaaladda Buuhoodle. Islamarkaanna labaddan masuul ayaa shaki ku abuuray shacabka ku dhaqan Somaliland, xilli sawir ay isla galeen oo lagu baahiyey baraha bulshaddu khal-khal iyo amakaag ku ridday in labaddan masuuliyiin soo noolayn karaan in ururkii SSC markale ka soo curto deegaanka Buuhoodle.

Wasiirkii hore ee wasaarada caafimaadka Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ee xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa xukuumadda Muuse Biixi ku cannaantay in deegaanadda Buuhoodle ka dambeeyaan deegaanadda kale ee asaagoodda ah.

Ex wasiir Xaglatoosiye oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Hadaanu Somaliland nahay Buuhoodle taageero badan baynu ku haysanay miisaana waynu ku lahayn, dadkuna waa kasbasho in la kasbado oo horumarka, amniga iyo iwm laga shaqeeyo, waxaan ugu baaqaya in la dardar galiyo horumarka, deegaamada Buuhoodle waa deegaamo horumarka ka hadhay ka dambeeya deegaamada kale, waa meel aan hay’aduhu ka shaqayn, waa meel aan hagar bax badani jirin,  sababta oo ah amni daradda badan ee lagu sheego, marka Madaxweynaha waxaan odhan lahaa bal halkan xukuumadaadu ha galiso wakhti iyo horumar si loo kasbado dadka”Ayuu yidhi Xaglatoosiye 

Sidoo kale, Ex Wasiir Xaglatoosiye ayaa dhalliilay gacanyarayaashii Xukuumaddii Siilaanyo oo ku tilmaamay kuwo hagradday horrumarka Gobolka Buuhoodle ” Madaxweyne Siilaanyo wuu dadaali jiray oo wuu jeclaa in wax laga qabto Buuhoodle, hase- yeeshee may hirgelin  wixii uu jeclaa ee aannu ku heshiinay in wax laga qabto. Balse gacan-yarayaashii kala dambeeyay ee Madaxweynaha ayaan ku  dhaliilayaa inay aad uga gaabiyeen wax ka qabashada arrimihii aannu doonaynay in wax laga qabto ee deegamadaasi”Ayuu yidhi Xaglatoosiye

Ugu dambayn Ex Wasiir Xaglatoosiye ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Wasiirkii horre ee Warfaafinta Puntland Cali Sabaray , waxaannu yidhi “Horta xilku waa meerto qofku xil buu qabtaa marna wuu ka tagaa, anigu wasiir baan ka ahaa Somaliland, saaxiibkay Calina wuxuu wasiir ka ahaa Garoowe, sideed sagaal sannadood ka hor baa isugu kaaya dambaysay, waa nin aanu saaxiib ahayn oo soo wada shaqaynay. Magaalada Buuhoodle ayaanu isugu nimi, sidii laba qof oo saaxiib ahaa oo sagaal sano ka hor isugu dambaysay isugu soo boodi lahayd ayaanu isugu soo boodnay, waa wada qadaynay, laakiin arrin siyaasadeed oo aanu ka wada hadlay ama barnaamij siyaasadeed oo ku jiray hawshaasi ma jirin.” Xigasho Warsugan