Kufsiyadii Argaggaxa lahaa ee Gilgilay Qalbiyada Dadka Soomaaliyeed!

Somalia (aftahannews):- Muddooyinkii u danbeeyey deegaammada Soomaalida meelo badan ayaa laga soo sheegayey dhacdooyin kufsi ah oo ka dhacay.

Inta badan kiisaskaasi waxaa lagu dhammeeyaa hab odaynimo ah oo aysan maxkamadi xukumin iyadoo weliba aan lala tashan hoooyinkii dhalay hablaha tacaddiyada loo geysta taasi oo keentay in falalka kufsiga la sahashado.

Dhibaatooyinkan ayaa waxay hor seedeen falcelino kala duwan. Dadka u oleleeya xuquuqda dumarka ayaa aamminsan in maslaxada odayaaasha ay sii hurinayaan dhibaatooyinka kufsiga ee ka dhaca gayiga Soomaalida.

Aamina Xaaji Cilmi waxay ka mid tahay dumarka u ololeeya xuqquda dumarka, waxay aaminsantahay in marnaba aysan jirin boos odayaasha uga banaan arrimaha kufsiga oo ay jiraan shuruuc gaar ah oo lagu xallliyo dhibaatooyinkaasi.

“Gabdhuhu waxay ka mid yihiin bini’aadmka Alle karaameeyay, marka dhibaato loo geystana waxay u baahan yihiin iney caddaalad helaan. Sharcibaa Alle ka sameeyay oo diinteena lagu soo dejiyay dhanka kalana waxaa jiraya shuruuuc madani ah oo ay dadku sameysteen, marka sidaa darteed oday dhaqameed meel ugama banaana,” ayay tiri Aamina.

“In odayaasha ay xalliyaan arrimahani waxay ahayd xad gudub lagu sameeyn jiray dadkii joogay xilliyadii dowladda ka hor oo waxaa la dhihi jiray ninka gabadha kufsaday ha guursado amaba waxaa laga qaadi jiray xoolo si maslaxad loo gaaro, waxaana dhihi karaa waa fal jaahil-nimo ah.”

Haddaba maxaa haatan sababay in odayaasha ay inta badan maslaxaan falalka kufsiga?

Aamina ayaa sheegesa in sababta ugu weyn ay tahay inysan weli dalka ka jirin shuruuc adag oo lagu fuliyo dadka dambiyada kufsiga ah geyska sidaa darteedna ay odayaasha u fududaatay iney door weyn ka cayaaraan arrimahaani iyo guud ahaanba siyasadda dalka.

“Waxaad arkaysaa, qofkii dhibaatada loo geystay oo weli isbitaalka ku jira, odayaashana go’aan iska gaarayaan marka sidee qof maqan go’aan looga gaari karaa? Waa arrimaha la yaabka leh ee ay oday dhaqamadyeedyada sameeyaan” Marka in wiilasha la difaaco, hadana berri fal noocaas ah ay geysastaan waa dibaato weliba sun ah.”

“Oday, aabe, walaal, intaba ma aaminsani, mana ii muuqato iney door ku leeyihiin gabadh la kufsaday”

Qaar ka midah falalkii kufsiga ee argagaxa lahaa ee ka dhacay gayiga Soomaalida

Sannadihii dambe waxaa gayiga Soomaalida kusoo kordhayay falal kufsi ah oo si weyn u qabsaday hadalheynta bulshada. Waxaa falalkaasi ka mid ahaa:

1: Kufsiga magaalada Wajeer

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto qabsaday muuqaal hooyo Soomaaliyeed oo dhulka isku rafineysaa iyadoo ka careysan sida ay sheegtay kufsi loo geystay gabahdeeda, hooyadaan oo lagu magacaabo Isniino Cabdi Xareed oo BBC-da wereysi siisay ayaa sheegtay in gabdheeda markii ay Dugsiga Hoose dhexe dhameysay ay dugsi sare qeybta la seexdo ah geysay balse markii dambe iskuulkaasi laga soo kala carary sabababo la xirirra amniga.

Waxay sheegtay in markaasi kaddib ay go’aansatay si ay waxbarashada gabdheeda uga istaagin iney iskuul ka geyso magaalada Wajeer, waxayna guddoomiye ku xigeenka tuuladooda ay ka codstay inuu gabadha iskuul u geeyo.

”Markii aan gabdha u dhiibay guddomiyaha tuulada, aniga waan isaga haray ee isaga kaligii ayaa soo kexeeyay kaddibna gabadhii ayaa waxa uu ku yiri inamari guri halkan ah ayaan buugaag kaaga soo qaadaya, markii ay guriga galeen ayuu hoose ka soo xirtay biya ayuuna siiyay”, ayay tiri hooyo Isniino.

Gabadha dhibaatada loo geystay ayaa hooyaded u sheegtay in markii biyaha la siiyay kaddib ay miir daboolantay oo aysan ogeeyn wixii markaa kaddib lagu sameeyay.

Isniino ayaa sheegtay in maalma dhaw ay maqashay in sawirka gabdheeda oo qawaan meelaha lagu wareejinayo kadib markii ay codsadaty iney aragto sawirkana waa loo diiday kadibna waxay wacday gabdheeda oo ay weediisay waxa arrintaasi ka jira.

Gabadha ayaa hooyadeed u sheegay in guddomiye ku xigeenkii tuulada ee ay raacini jirtay uu falkaasi sameeyay uuna ku yiri haddii aad sameeyni weydo waxaan kuugu irahdo sawirkaaga oo qaawan ayaan baraha bulshada ku faafinayaa. Waa sida ay sheegtay Isniino oo ah gabdha hooyaded.

Hooyo Isniino ayaa sidoo kale sheegtay in gabadheeda ay u sheegtay inuu ninka marar kale la kulmay oo uu wuxuu rabay ka sameystay ku cabsiinaya sawirkaaga oo qaawan ayaa hawada galinaya.

Maalinta Arbacada ah ee soo socota ayaa lagu wadaa in maxkamadda Magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya la soo taago, ninka lagu eedeeyay inuu kufsaday gabadha oo 16 sano jir ah.

Eeedeysanaha ayaa gudoomiye ku xiigeen ka ah deegaanka Ar-baqeeraanso oo ka tirsan Bariga magaalada Wajeer.

Qoyska gabadha ayaa dalbanaya in cadaaladda la hor keeno ninka ka dambeeyay falkan waxayna Isniino sheegtay ineysan marnaba aqbalyn in arrintani ay xalliyaan odayaal dhaqameedka.

2: Kufsigii Afgooye

Horaantii bishii Abriil ee sannadkan waxaa si weyn usoo shaac baxay war argagax leh oo ku saabsan kufsi labo gabdhood oo aad u da’ yar loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Labada gabdhood oo lagu soo warramay inay qaraabo dhow yihiin ayey da’dooda kala tahay 3 jir iyo 4 jir.

3: Kufsigii Caa’isha ee Gaalkacyo

Mid ka mid ah falalkii kufsiga ee ugu hadalheynta badnaa Soomaaliya wuxuu ka dhacay Puntland, inkastoo dil toogasho ah lagu fuliyay eedeysaneyaashii tacaddigaas loo heystay qaarkood.

 

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO BANAADIR

11-kii biihii Februry, waxaa Puntland lagu toogtay labo nin oo ka mid ahaa rag lagu helay dambi ah inay kufsi iyo dil u geysteen gabar yar oo lagu magacaabi jiray Caa’isha Ilyaas Aadan.

Raggan ayaa falka kufsiga iyo dilka ah magaalada Gaalkacyo ka geystay horaantii sanadkii hore ee 2019-kii.

Caaisha oo 12 jir ahayd ayaa meydkeeda laga helay afaaka hore ee gurigooda, waxaana falkaas uu dhaliyay caro aad u ballaaran.

Nin saddexaad oo ka mid ahaa eedeysaneyaasha, horayna dil loogu xukumay ayaa markii dambe lasii daayau.

4: Kufsigii Guriceel

Magaalada Guriceel ayaa bilowgii sannadkii hore waxaa ka dhacay kufsi ay afar nin oo dhalinyaro ah u geysteen gabar day’yar, kuwaasi oo markii dambe maxkamadda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ay xukun xabsi oo minlix bilood ah ku riday.

5: Kufsigii xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay Soomaalida dagto ayaa bilowgii sannadkii hore waxaa lagu kufsaday laguna jirdilay gabadh 13 sano jir ah.

Ismahaan ayaa si arxan darro ah loogu dilay guriga eedadeed oo ay la noolayd.

Booliska ayaa xiray saddex qof oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen falkan oo ay ka mid tahay eedadeed.

Qaar ka mid ah dadka dariska oo la hadlay telefishinka NTV ee dalka Kenya ayaa sheegay in Ismahaan lagu xiri jiray gudaha guriga aysanna dibadda u soo bixi jirin lagana reebay waxbarashada iskuulka.

Gabadha ayaa la sheegay inay eedaysaneyaasha rabeen inay si qorsoodi ah u aasaan maydkeeda.

Xigasho BBCSomali.com.