Wiil Dhallinyaro Ah Oo Isku Gubay Markii Ay Ciidamada Dalkiisu Waydiiyeen Laaluush Uu Bixiyo

Kampala (Aftahannews)-Wiil 29-jir ah oo u dhashay dalka Uganda isla markaana ku shaqeysan jiray mooto ama dhug-dhugley ayaa iku dhintay gudaha saldhig boolis oo ku yaal koonfur galbeed dalkaasi ka dib markii uu isgubay oo uu dab is-qabadsiiyay.

Xuseen Walugembe ayaa isgubay ka dib markii ciidamada boolisku ay qabteen oo ay saldhigga geeyeen mootadii uu ku shaqeysan jiray. Arrintaasi ayaa ka dhacday degmada Masaka oo qiyaastii 135 km koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimada ah ee Kampala.

Qaar ka mid ah dadka ku shaqeysta mootooyinka ayaa ku doodaya in askartaasi booliska ahi ay dlbadeen 40 doolar oo laaluush ah si ay Xuseen ay ugu sii daayaan mootadiisa.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in guud ahaan waaxda taraafigada ee degmadaasi uu haatan ku socdo baaritaan arrintaasi la xidhiidho .

Wararku waxay sheegayaan in Xuseen uu ku noolaa guri ku yaal saldhigga dhexdiisa isla markaana uu askarta u geyn jiray cunno.Mootada ama dhug-dhugleyda ayaa aad looga isticmaalaa dalkaasi Uganda, waxaana sidoo kale qaaradda Afrika oo dhan noolal maalmeed ka raadsada oo ku shaqeysta dhallinyarada shaqo la’aanta ahi.

Balse dalka Uganda, waxaa dadkaasi mootooyinka ku shaqeysta laga mamnuucay in ay qaadaan wax rakaab ah sababo la xiriira curudka Covid-19.Waxaana loo ogol yahay oo kaliya in ay shaqeystaan laga billaabo 6:30 aroornimo ilaa shanta galabnimo, iyagoo qaadi karaya oo kaliya alaabaha.

Sidee ayay wax u dheceen?

Sida ay boolisku sheegeen Xuseen Walugembe ayaa isniintii dhaweyd mootadiisa u dhiibay nin ay saaxibbo yihiin, kaasi oo markii dambe boolisku ay ku qabteen isaga oo sida qof rakaab ah.Xuseen ayaa lagu soo warramayaa in uu ka carooday booliska oo marar badan oo uu saldhigga tahay weydiistay laaluush si ay u siidaayaan mootadiisa.

Khamiistii dorraad ahayd ayuu isku soo xidhay qol ku yaal gudaha saldhigga, ka dibna baasiin ayuu isku shubay oo waa uu isgubay.Ciidamadii booliska ahaa ee saldhiggaasi joogay ayaa caagado biyo ah ku damiyay dabkaasi, balse waxaa sidoo kale ku dhaawacay askari kale. sidoo kale, waxaa halkaasi ku gubtay dukumeentiyo muhiim ah iyo koombiyuutarro.

Afhayeenka booliska gobolkaasi, Paul Kangave, ayaa sheegay in dhacdadaasi iyo hab-dhaqanka uu haatan baadhitaan ku socdo.Waxa uu sheegay in la baari doono eedeymaha ah in boolisku ay laaluush weydiisteen wiilkaasi ka dib markii la qabtay mootadii uu ku shaqeysanayay.