Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo furay Xarumaha Hubinta Bad-qabka Gaadiidka ee BBG

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga ka jaray daah-furka Xarumaha  Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka dalka, labadan xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf  Vehicle Inspection oo ku kala  yaalla Bariga iyo Galbeedka  Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Guud ahaan Lixda Magaalo ee waaweyn  ee dalka shank a mida, ayaa laga hirgeliyey  goobahan oo lagu baadhi doono Bad-qabka Gaadiidka, si loo badbaadiyo nafaha muwaadiniinta, loogana hortago shilalka Baabuurta ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed, waxaana  xarumahaasi maal-gashaday dad muwaadiniinta ah.

Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa hore Guddida Qandaraasyada Qaranka ugu gudbisay qandaraaska qalabka lagu baadho bed-qabka gaadiidka, waxaana ku guulaystay Lix shirkadood, kuwaasi ka tartamay Gobollada waaweyn ee waddanka, xarumahan cusub ee uu daah-furay Madaxweyne-ku-xigeenku ayaa noqon doona  hadda laga bilaabo kuwo lagu  hubiyo, isla markaana lagu baadho gaadiidka, isagoo qalabkaasi sheegaya waxkasta oo ka xun gaadhigaasi, waxaanay tanni ka qeyb ka tahay horumarka waddanku ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka dambaysa.

Qaar ka mid ah saraakiisha shirkadaha ku guulaystay mashruucan oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay sababaha keenay in dalka la keeno qalabka lagu baadho, laguna hubiyo tayada gaadiidka, waxayna arrintaas ku sababeeyeen shilalka gaadiidka joogtada noqday oo dalka iyo dadkaba ku keenaya khasaare xooggan oo isugu jira naf iyo maalba, iyagoo xusay in dadka shilalka gaadiidka kaga dhinta Somaliland sannad walba ay celcelis ahaan gaadhayaan 300 (saddex boqol), ilaa 400 (afar boqol) oo qof, halka dadka ku dhaawacmaana ay gaadhayaan ilaa 500 (shan boqol) oo ruux.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo madashaas hadal ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladaha uu mashruucani soo maray iyo faa’iidooyinka ugu jira dalka Somaliland.

“Wasaaraddu waxa ay samaysay qorshaheeda istaraatiijiyadda shaqo ee shanta sanno ah, waxa kaloo jira qorshe-sannadeed ay Wasaaraddu leedahay, sidaa darteed mashruucani waxa uu ka mid ahaa qorshihii sannadkan 2020 ay Wasaaraddu doonaysay inay ku hirgeliso hawl-qabadkan lagu baadhayo bad-qabka gaadiidka dowladda iyo gaadiidka guud labadaba oo Wasaaraddu markii ay deristay dhibaatada ugu badan ee shilalka innagu keentaa saddex meelood ayey daraasaddu soo saartay, waxaanna lambarka koowaad noqday xagga dirawalka, sababtoo ah nidaamkeena dirawalnimada iyo aqoonta dirawalnimadu aad ayey u hoosaysay, waxayna Wasaaraddu ku dedaashay inay wax-ka-beddel ku samayso nidaamkii qaadashada liisamada, sidoo kalena waxay ku samaysay nidaam dhijital ah (digital) oo leh xog si elegtarooniga ah u kaydsan (data base) oo qofkasta oo imminka liisan qaataa waxa sugan xogtiisa rasmiga ah, ilaa kaadhkiisa aqoonsiga (ID CARD) way isku xidhan yihiin,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Wasiirka Warfaafinta Md. Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo goobta hadallo ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey mashruucan Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka Dalka ee (BBG) oo ay sheegeen inuu faa’iido weyn u yeelan doono bulshada Somaliland, waxayna hirgelinta fikirkan ku ammaaneen Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ay xuseen inuu wax badan ka tari doono yaraynta shilalka gaadiidka, halka sidoo kale ay shirkadaha hirgelinta mashruucan ku guulaystay kula dardaarmeen inay noqdaan qaar si waddannimo, daacad iyo aqoon leh ugu adeegaan bulshadooda, una baadhaan gaadiidka kala duwan ee dalka, si loo wada ogaado tayada baabuurka.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa Wasaradda Gaadiidka iyo Guriyeynta ku ammaanay mashruucan lagu ilaalinayo tayada iyo bad-qabka gaadiidka, isagoo xusay in qorshana baadhitaanka gaadiidku yahay mid soo jiray ilaa waqtigii Ingiriiska oo waddada laga joojin jiray gaadiidka tayadood xun tahay ee aan u qalmin inay rakaab qaadaan, iyadoo laga cabsi qabo inay kaystaan khasaare saameeya nolosha dadka.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii xafladdaasi ka hadlay, ayaa si weyn u boggaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka tallaabada wanaagsan ee ay qaaday, waxaana uu dhankooda bogaadiyey Shirkadaha muwaadiniinta ah ee maalgashiga sameeyey, isagoo  Madaxweyne-ku-xigeenku  fariin u diray Bulshada Somaliland oo uu kula dardaarmay inay hubiyaan bad-qabka gaadiidkooda, si looga badbaado khasaaraha shilalka gaadiidku ay geystaan.

“Mashruucani waa bad-qabkii gaadiidka, marka ay noqoto badbaadada gaadiidkana waa waxa nafteena daruuri u ah in aan ilaalino, inta aan ilaalin karno. Waxa aan leeyahay ummadda reer Somaliland ama Soomaalida dhaankeeda ta naftiisa ayeynaan ilaalin oo cusbitaallada waxa aynu tagnaa goor aynu xannuunsanay uun, balse iska hubino caafimaadkeena mar walba, markaa naftii ayuunna ka mid yahay ee waa in aad ogaataa gaadiidkaaga oo aynu wada danayno bad-qabka gaadiidkeena,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Waxaannu intaas ku daray; “Waana laba arrimood oo waa inay Xukuumadduna waxaas ay soo saartay ay sharci ka dhigto oo ay adkayso, dadkuna inay sidaas oo kale shuruucda u ilaaliyaan, kuna dhaqmaan oo imminka wixii shuruuc jiray ee waddankeena dhaqayey oo dhanba dhinac ayeynu iska dhignay, waxaanad moodaaba in xeerka iyo sharcigaba in aynu wada neceb nahay oo uu dabar innagu yahay, bani’aadamkuna inta uu dhawri waayo sharciga iyo waxa ay dadka dalku ku heshiiyaan ama uu ilaalin waayo, haddii ay tahay midda ah diinta islaamka ee inoo dejisan iyo mid bani’aadamku samaystay ay tahayba labaduba waxa weeyaan wax lagu ilaalinayo bani’aadamka.”