Afhayeenka Waddani oo soo Jeediyey in Cabdiraxmaan Aw Cali laga Dhigo Guddoomiyaha Golaha Guurtida

ABDIRAHMAAN AW ALI FAARAH
ABDIRAHMAAN AW ALI FAARAH

“Sawira uun iyada oo sidan ah: Madaxweyne Hargeysa ah, Guddoomiye Wakiillo oo Laascaanood ah, Guddoomiye Guurti oo Boorama ah, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre oo Gabooye ah…?” Barkhad Jaamac Batuun

Hargeysa(aftahannews):- Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa soo jeediyey in Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax loo dhiibo xilka Guddoomiyennimo ee Golaha Guurtida marka uu kursigaas banneeyo Guddoomiyaha hadda xilka haya Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

ABDIRAHMAAN AW ALI FAARAH
ABDIRAHMAAN AW ALI FAARAH

Qoraal uu Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ku faafiyey bartiisa facebook Axadda, 05 July 2020, waxa uu ku soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo uu xusay inay muddo toddoba sano ah Jaamacadda Hargeysa ku soo wada qaateen labada kulliyadood ee culuumta sharciga iyo xallinta khilaafaadka, isagoo xusay in uu yahay Oday waayo-arag ah oo si fiican ugu habboon xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Qoraalka Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun arrintan kaga hadlay oo faahfaahsani, waxa uu u qornaa sidatan:-  “Mujaahid Madaxweyne Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax toddoba sanno ayaan fursad qofeed u helay in aanu labada kulliyadood ee Sharciga iyo xallinta khilaafadka ka wada dhigannay Jaamacadda Hargeysa, isaga oo ah Madaxweyne ummadda u soo adeegay, isaga oo da’ ahaan naga weyn, isaga oo Jaamacadda hore ka soo baxay, isla jeerkaana leh waayo-aragnimo siyaasaddeed iyo mid ciidan.

Wuxuu noo ahaa saaxiib weyn, walaal, wehel iyo waalid fursad na siin jiray, waxaannu ahayn fadhi-wadaag shaah iyo sheeko dhex marto mar kastoo firaaqo aanu helno xilligii ardaynimo. Waa qof tawaaduc iyo is dhul dhig badan oo aan qab iyo kibir qofeed lahayn, shakhsi macaan oo dammal ah, haybadna Alle siiyay. Talo-qabeen dad isku wad leh, taariikh-yahan aanad ka dhergayn maalmihii meertada nolosha ee uu soo maray badankooda.

Aragtidayda shaqsiyadeed, waxaan qabaa in uu maanta yahay qofka ugu mudan ee hoggaamin kara Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland markay dhammaato muddo xileedka guddoomiyaha hadda jooga Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo runti muddo dheer qaranka u shaqeynayey, ahna oday weyn oo muxtarim ah iyo siyaasi ruug-cadaadi ah.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waa halgamaa dalkan xoreeyay, waa halyeey hoggaamiyey masiirka siyaasadeed ee ummaddan, waa oday dhaqan-yaqaan ah, waa nin aan godob reereed laheyn, waa nin aanay Somaliland wax uga sarreeyaa jirin, waa nin aqoon sharci iyo mid xallin khilaafeedba leh.

Waa nin edeb iyo afgaabni ku caanbaxay, waana nin maalinta ay adkaato lagu baxsado talo qabeenimadiisa, ayaamo adagna bad-baadinta qaranka qallinka taarikhda ugu qoran, gaar ahaan muddooyinka ay jireen khilaafadka siyaasaddeed ee xisbiyada iyo Xukuumadihii dalka soo maray, waana nin bilcin kara sawirka siyaasadeed ee saami-qeybsiga Somaliland.

Sawira’uun iyada oo sidan ah: Madaxweyne Hargeysa ah, Guddoomiye Golaha Wakiillo oo Laas-caanood ah, Guddoomiye Guurti oo Boorama ah, Guddoomiye Maxkamadda Sarre oo Gabooye ah.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.