Nuxurka Heshiis Somaliland la gashay Dowladaha Netherland, Denmark iyo Britain

Hargeysa(Aftahannews):- Wajiga Labaad ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2), ayaa Dalalka Britain, Denmark iyo Netherlands waxay oggolaadeen afar heshiis oo ay la galeen Somaliland, si loo wanaajiyo kaabayaasha muhiimka ah ee lagu taageerayo kobcinta dhaqaalaha.

War-saxaafadeed qoraal ah oo ay darafyada heshiisku dhex-maray soo saareen Axaddii maanta, ayaa lagu sheegay in heshiisyadan cusub lagu taageerayo mashaariicda Waddooyinka, Beeraha, nidaamyada Biyaha iyo Kalluumeysiga, ayaa dardar-gelin doona koboc dhaqaale oo anfacaya gobolka iyo gacan ka geysashada sidii loo heli lahaa deganaansho, nabad iyo u adkeysiga abaaraha.

Mashruuca koowaad, ayaa lagu taageerayaa dib-u-dhiska wadada isku xidha Burco ilaa Berbera. Waxaa ka mid ah in la sameeyo waddo 82km oo laami ah, dib u soo nooleynta buundooyinka burburay iyo nidaamyada bullaacadaha.

Mashruuca labaad wuxuu horumarin doonaa wax soo saarka beeraha ee beeraleyda  iyadoo loo marayo ciidda iyo ilaalinta biyaha, cilmi baarista, fidinta iyo tababarka beeroleyda. Mashruucan ayaa beegsan doona dhulka leh wax soosaarka Beeraha ee Awdal iyo Maroodi jeex.

Mashruuca saddexaad wuxuu taageeridoonaa wakaaladda Biyaha Hargeysa (HWA), si biyo nadiif ah loogu helo dadka reer Hargeysa. Mashruucan wuxuu u oggolaanayaa wakaalada biyaha inay 4,000 m3 oo biyo ah ka soo saarto Laasdhure. Mashruucan wuxuu ku kordhin doonaa biyaha laga heli karo magaalada Hargeysa in ka badan 20%, ilaa 23,000m3 maalin kasta. Si loogu daboolo baahida 200,000 qof oo dheeri ah.

Mashruuca 4-aad wuxuu horumarin doonaa dhisida deked yar oo ay doomuhu ku xirtaan, taasoo qeyb ka qaadanaysa isku xirnaanta dhinaca badda ee u dhaxaysa Berbera, bariga Sanaag iyo qaybo ka mid ah Togdheer, kicineysana koboca dhaqaalaha gobolka iyo sidoo kale fududeynta isu socodka kalluunka suuqyada.

Sidoo kale, Warkaas oo Muuqaal-dhegaysi ah, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.