Sahra-halgan oo ka Sara-kacday Hadal-haynta Calanka Soomaaliya!

Hargeysa, (Aftahannews)- Fannaanadda Sahra Halgan, ayaa ku baaqday in madaxa laga toogto dadka magaca iyo sumcadda ku raadinaya inay Somaliland ku dhex xidhaan calanka Soomaaliya ee laga dhaxlay dhibaatadda iyo hagar-daamadda. Islamarkaanna waxay sheegtay in qofka xidha calanka Soomaaliya aan lala sugan ciidamadda.

Sahra-halgan waxay sidaa ku sheegtay waraysi ay siisay Telefishinka Eryal, waxayna sheegtay in qofka xidha calanka Soomaaliya doonayo inuu naftiisa haliggo “Qofka maanta Somaliland jooga, ee calanka xidha waa qof u jeedda dambi, qof neceb u jeedda, waa qof u jeedda inuu waxa isu-dirro. Waa qof doonaya inuu naftiisa ku haliggo meesha oo magac-doonaya, waxa imika innagu batay dadkii magaca-doonayay. Maradan yar ee uu xidhanyey xannuunka iyo dhibta ay inna soo marisay, haddii qofka meesha lagu toogto oo madaxa laga toogto ama dhagax lagu dillo in aannu qofkaasi mag-lahayn oo aan cidna loo qabsan karin, inta uu qofkaasi soo dhex-istaago Somaliland ku dhex xidha calankaas.”Ayay tidhi Sahra Halgan

Dhinaca kale, Faysa Axmed Ducaale oo ah Hooyadda dhashay wiil magaalada Hargeysa ku dhex xidhay calanka Soomaaliya oo ciidamadda Boolisku xabsiga u taxaabeen ayaa ka hadlay mowqifka inankeedda ee xidhashadda calanka Soomaaliya

“Hooyo ninkayga shaqooyinkiisa waxaan ka hayaa in aannu Soomaaliya shaqo ku lahayn. Sababta oo ah aqalkan aynnu joognno imika ayuu ku dhashay. qofku haddii aannu xidhiidh samayn siddee-buu Soomaaliya ugu ololayn karra, Annigu wax weyn umma arko inuu calanka Soomaaliya xidho inankaygu, balse waxaan u arkaa wax uu xaraammo ka dayay oo uu lahaa igu sawir.” ayay tidhi Hooyo Faysa Axmed Ducaale.