Erdogan Oo Lagu Haysto Qorshe Uu Madxaf Caan Ah Ugu Bedelayo Masjid

Istanbuul, (Aftahannews)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku gacan sayray dhaliil ugu timid gudaha dalkiisa iyo dibeddaba kadib markii uu sheegay inuu doonayo in madxafka caanka ah ee Hagia Sophia uu ka dhigo masjid.

Maxkamadda Turkiga ugu sareysa ee dhanka maamulka ayaa ka baaraandegaysa in madxafkaasi ku yaalla Istanbul, horayna u ahaa kaniisadda loo bedalo masjid.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa Arbacadii ugu baaqay Turkiga in madxafka sidiisa loo daayo oo aan wax isbedal lagu sameyn.

“Dhaleeceynta dalkeena loo jeedinayo ee ku aaddan Hagia Sophia ayaa ah weerar ka dhan ah madaxbannaanideena,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Maxkamadda ayaa la filayaa in go’aankeeda ay shaaciso laba todobaad gudahood.

Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa markii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) maantana ah Istanbul.

Waxaa markii dambe madxaf ka dhigay hogaamiyihii asaasay Turkiga casriga ah, Mustafa Kemal Ataturk.

Qorshaha cusub ee masjidka looga dhigayo ayaa khilaaf horleh dhex dhigay Turkiga iyo Giriigga oo si dhaw ula socda taariikhda Boqortooyaddii Byzantine ay ku reebtay dalkaasi Muslimka ah.

Madaxweyne Erdogan ayaa sanadkii hore sheegay inay khalad weyn ahayd in Hagia Sophia loo bedalo madxafka.