“Habarjeclo Baryahan Waxa Ku Socda Dil Bilaa Micno Ah…..”Suldaanka Guud Ee Bariga Burco

Hargeysa, (Aftahannews)-Suldaanka guud ee beesha bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka hadlay colaada mar kale dib uga bilaabantay deegaanka Beenyo Macaan ee bariga gobolka Saaxil, ku dhexmartay labada beelood ee deegaankaasi wada dega.

Suldaan Cabdilllaahi Suldaan Cali Muuse, waxaa uu ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayay shaqaaqadaasi, halka uu sidoo kale ILLAAHEY uga baryay inuu caafimaad siiyo kuwii ku dhaawacmay intii shaqaaqadaasi taagneyd.

Suldaanku waxaa uu beelahaasi ugu baaqay in ay nabada qaataan, islamarkaana ay joojiyaan colaada, dalka iyo dadkana ay ka daayaan qalan qalka iyo xumaanta.

Suldaan Cabdilllaahi Suldaan Cali Muuse, waxaa uu ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayay shaqaaqadaasi, halka uu sidoo kale ILLAAHEY uga baryay inuu caafimaad siiyo kuwii ku dhaawacmay intii shaqaaqadaasi taagneyd waxaanu yidhi “Marka hore waxaan halkan tacsi uga diraya tiiraanyo iyo murugo leh raga ku dhintay deegaanka Beenyo Macaan, ee macno la’aanta ku dhintay ayaan ka tacsiyadeynayaa ehelkoodii, iyo asxaabtoodi, iyo saaxiibadood, iyo Somalilandba, ILLAAHEY-na waxaan uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna ILLAAHEY waxaa uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo.

Waxaan mahad u jeedinayaa sharaf iyo karaamaba huwan, Somaliland ee ay ugu horeeyaan salaadiintu iyo waxgaradka taga Ceel-baxay ee nabada iyo heshiisiinta u tagayana ayidaad iyo salaam wada socota ayaan u dirayaa, waxaanan leeyahay dowlada iyo guurtida hawshani qabatayba  anigo idinku adkeynaya sidaas u shaqeynaysaan hadana xoog iyo awood saara sidii hawshaasi u soo dhammaan laheyd”

Suldaanku waxaa uu beelahaasi ugu baaqay in ay nabada qaataan, islamarkaana ay joojiyaan colaada, dalka iyo dadkana ay ka daayaan qalan qalka iyo xumaanta “Waxaan halkan uga jeedinaya beelahan Habar-jeclo ee dhibtu kala gaadhay iyo kuwa kaleba iyo kuwa Ceel Afweynba, Habar-jeclo baryahan waxaa ku soconaya dil bilaa macno ah, oo is daba jooga, waxaan leeyahay ka baxa waxaasi, baaqigiina hadhay waxaa aan idiin dardaarmaya in aad nabad qaadataan, oo tolnimo qaadataan, oo wanaag qaadataan, oo isku duubni qaadataan, oo ILLAAHEY ka baqdaan, dalkana qalaan qalka iyo xumaanta ka daysaan, idinkuna wixii dhacay dhace ka talisaan inta nool baan idinkula dardaarmayaa”