Shiinaha & Soomaaliya oo si adag uga Hadlay Xidhiidhka Diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan

SAFIIRKA DOWLADDA SHIINAHA U FADHIYA MUQDISHO IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KULMAY 2020.jpg
SAFIIRKA DOWLADDA SHIINAHA U FADHIYA MUQDISHO IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KULMAY 2020.jpg

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa muujiyay sida uu u diiddan yahay xidhiidhka iyo heshiiska diblamaasiyadeed ee ay hirgelintiisa bilaabeen Somaliland iyo Taiwan.

SAFIIRKA DOWLADDA SHIINAHA U FADHIYA MUQDISHO IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KULMAY 2020.jpg
SAFIIRKA DOWLADDA SHIINAHA U FADHIYA MUQDISHO IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KULMAY 2020.jpg

Somaliland oo markii ay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 26 June 1960-kii la midawday Soomaalidii Talyaaniga ka xoroowday 1-dii Luulyo isla 1960-kii, ayaa diidmo iyo dagaallo qadhaadh oo dhex-maray dowladdii Miillateriga ahayd ee Soomaaliya iyo Jabhaddii SNM, waxay 18-kii May 1991-kii ku dhawaaqday inay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya oo ay tahay Jamhuuriyad gaar u taagan, waxaanay intaas oo dhan ahayd dowlad gaar u taagan, inkasta oo aanay aqoonsi buuxa ka helin dunida, Soomaaliyana u aragto amma ku dooddo inay Somaliland tahay Maamul ka mid ah Federaalka.

Dowladda Shiinaha, ayaa iyaduna u aragta inay Jamhuuriyadda Taiwan ka mid tahay Shiinaha, isla markaana aanay ahayn dal ka madax-bannaan oo xidhiidh diblamaasiyadeed dunidu la samayn karto amma iyadu Adduunka la samayn karta.

Haddaba, iyadoo dowladda Shiinihu ka xanaaqday, si adagna uga jawaabtay xidhiidhka diblamaasiyadeed ee ay daaha ka faydeen Jamhuuriyadaha aan midkoodna aqoonsi buuxa dunida ka haysan ee Somaliland iyo Taiwan, ayaa ku doodday inaanay u dul-qaadan doonin xidhiihdkaas iyo midkasta oo la mid ah oo lala sameeyo Taiwan, ayaa Safiirkeeda Muqdisho Ambassador Qin Jian, waxa uu gelinkii dambe ee Sabtida maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu gaadhsiiyey farriin uu dowladdiisa uga siday oo la xidhiidha diidmadooda xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland bilaabeen.

WARKA MADAXTOOYADA SOMALIA KA SOO SAARTAY KULANKA SAFIIRKA SHIINAHA IYO MADAXWEYNE FARMAAJO 2020
WARKA VILLA SOMALIA KA SOO SAARTAY KULANKA SAFIIRKA SHIINAHA IYO MADAXWEYNE FARMAAJO 2020

Markii kulankaasi soo dhammaaday ka dib, ayay caawa Madaxtooyadda Soomaaliya war ay ka soo saartay waxa lagaga wadahadlay  kulankaas, waxay ku sheegtay in Muqdisho iyo Beijing ay dhowrayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee labadooda dal.

Geesta kale, Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho Danjire Jian, ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay dhawrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha, ayaa ka cadhooday tallaabada ay Taiwan xidhiidhka kula sameysay Somaliland, ka dib markii ay wakiil u soo dirsatay Hargeysa, halka ay Somaliland-na wakiil u dirsatay Taipei. Xukuumadaha Taiwan iyo Somaliland, ayaa sheegay inay iska kaashan doonaan arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, beeraha iyo macdanta.

Taiwan, waxaa aqoonsaday 15 waddan, inkastoo tan iyo markii ay xukunka la wareegtay Madaxweyne Tsai Ing-wen 2016 ay xidhiidh diblomaasiyaseed u jareen 7 ka mid ah dalalkaas, ka dib cadaadis uga yimid Dowladda Shiinaha.

Inkastoo Taiwan ay isu aragto dal madaxbannaan oo dhaqaalo ahaanna isku filnaaday, ayaa haddana dhanka kale Shiinaha waxa uu tilmaamaa inay ka mid tahay dhulkiisa, isla markaana uu maalin uun qabsan doono xitaa haddii ay noqoto qaab muquunin iyo awood ciidan ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.