Guusha aynu u dabbaal-degnay yaanay innoo horseedin is-dhigasho innagu keenta guul-darro! Ql: Suxufi Maxamed-Cirro

MADAXWEYNE BIIXI OO SALAAMAYA DADKA KU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO SALAAMAYA DADKA KU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2020

Dadweynaha reer Somaliland waxay ku jireen dabbaal-deg soo bilaabmay maalintii Axadda ee ay taariikhdu ahayd 14 June 2020, taasoo keentay in soo dhawayn ballaadhan loo sameeyo weftiga Madaxweyne Muuse Biixi ee wada-xaajoodka kaga qaybgalay dalka Jabuuti, kuna soo laabtay Caasimadda Hargeysa Khamiista maanta (18 June 2020). Dabbaal-degga ay dadka reer Somaliland sameeyeen iyo farxadda ay dareemayaan waxa ay ka dhasheen guul bilaw ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida farsamo kala soo guryo-noqdeen magaalada Jabuuti.

MADAXWEYNE BIIXI OO SALAAMAYA DADKA KU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2020
MADAXWEYNE BIIXI OO SALAAMAYA DADKA KU SOO DHAWEEYEY HARGEYSA 2020

Qaabka uu shirkaasi u qabsoomay, hannaankii loo qabanqaabiyey iyo natiijooyinka ka soo baxayba waxay si dadban iyo si toos ahba guul weyn ugu noqdeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasna waxa laga dheehan karaa dareenka fal-celinta ah ee ay ka bixinayaan siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dadweynaha reer Soomaaliya oo weftiga Farmaajo iyo Guddidiisa farsamo ku dhaliilay in aannu wax qorshe ah la tegin shirka Jabuuti, halka dhinaca kale ay dadweynaha Somaliland mucaarid iyo muxaafidba la dhacsan yihiin qaabka ay weftiga Somaliland ugu gar-naqsadeen shirka Jabuuti ee ay joogeen Beesha Caalamku.

Haddaba, waa muhiim, waana tallaabo fiican in reer Somaliland ay farxad iyo rayn-rayn ku soo dhaweeyaan weftiga Madaxweyne Muuse Biixi iyo natiijada shirkaas ka soo baxdayba, balse waxa ugu muhiimsan sidii looga feejignaan lahaa in guusha aynu ku jirno iyo dabbaal-degga aynu samaynay ay innagu keenaan in aynu is dhiganno, hurdo dheerna iska galno, sababtoo ah sheekadu hadda waa bilaw, shirkuna wuu furmay ee weli muu dhammaan, waxaana dowladda iyo dadweynaha Somaliland u taal oo sugaysa shaqo iyo hawl ka culus, kana miisaan weyn inta yar ee aynu u dabbaal-degayno, shaqadaas oo ah mid mustaqbalka dheer ah iyo mid mustaqbalka dhaw ah, waxaana ugu horeeya sida la isugu diyaarinayo shirarka ay mar kale Jabuuti isugu noqon doonaan Guddi-hoosaadyada farsamo ee loo saaray inay dib iskula eegaan qodobbada khuseeya kaalmada iyo deeqaha laga helo dalalka caalamka, maamulka hawada iyo arrimaha la xidhiidha ammaanka, iyadoo ay Guddiyadaasi laba toddobaad ka dib ay isku arki doonaan Jabuuti Insha allaah, waxaana waajib ah in si culus oo miisaankeedu weyn yahay la isugu diyaariyo shirarkaas soo socda.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga doonayaa inuu guddiyadaas u xulo si heer qaran ah, lagana qaybgeliyo haddii ay suurtogal tahay dad aqoonyahanno ah oo ku jira xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID, sidoo kalena laga soo dhex xusho bulshada rayidka ah, iyadoo dadkaas lagu soo xulayo aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin arrimaha la isla qaatay ee Guddiyada loo saaray, taasina waxay inoo suurtogelin kartaa in aynu mar walba ama shirkasta oo aynu la galno Soomaaliya ka soo hoyno guulo ka waaweyn, kana qiimo badan guusha bilawga ah ee aynu ka helnay shirka Jabuuti.

Reer Somaliland waxa ku waajib ah inay mar walba u diyaarsanaadaan gar-naqsi kasta oo aynu la gelayno Soomaaliya, kana fogaano in aynu is dhigano, kuna qannacsanaano guusha yar ee Jabuuti ka soo baxday. Guusha rasmiga ah ee loo socdaa waa in la helo aqoonsi caalami ah iyo in Soomaaliya iyo Caalamkuba aqbalaan xaqiiqda ah in dalka Jamhuuriyadda Somaliland yahay waddan xor ah oo jira, ictiraafna haysta, Ilaahayna sida khayrka leh ha ina waafajiyo.

Waxa Qoray Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa/Somaliland.