Gudaha Madaxtooyada Puntland oo lagu qabtay Nin Al-Shabaab ah oo Miinaysan

Garoowe(Aftahannews):- Xarunta Madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaa gudaheeda lagu qabtay Nin isku soo xidhay walxaha Qarxa oo doonayay inuu isku qarxiyo guriga gaarka ah ee uu Qasriga ka dhex deggen yahay Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo la sheegay inuu xilliga Ninka miinaysan la qabtay ku sugnaa, Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidammadu.

qasriga puntlandttttn

 Ciidamada PIS-ta ee Puntland ayaa qabtay ninkan  oo miinaysan isla markaana sida ay sheegeen qirshihiisu uu ahaa inuu isku qarxiyo Guriga Madaxwaynaha Puntland.

Sida ay sheegeen Ciidanka PIS-ta ee Puntland ninka la qabtay, ayaa qirtay inuu u socday inuu isku qarxiyo guriga Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed ka degen yahay Qasriga Madaxtooyada isla markaana uu ka mid yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

 Madaxtooyadda Puntland ayaan ka hadal sida uu ninka miinaysani ku soo galay gudaha Qasriga looga taliyo Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 Al-Shabaab, ayaa habeenkii sabtidu soo galaysay weerar ku qaaday jeelka weyn ee magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,halkaas oo ay ku laayeen saraakiil ciidan isla markaana ay maxaabiis kala bexeen jeelka ay weerareen.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland