Somaliland Faa’do iyo Khasaare Midkee ugu Jira Shirka Djibouti ku Dhex-maray Somalia? Faallo – Maxamuud Jawhar

SHIRKA MADAXDA SOMALIA IYO SOMALILAND EE DJIBOUTI 2020
SHIRKA MADAXDA SOMALIA IYO SOMALILAND EE DJIBOUTI 2020

Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminyo ayaa maalintii Axada oo taariikhda ahayd 14/6/2020 u anbabaxay Dalka Djibouti oo ay kaga qaybgalyeen in la sii anbaqaado shirka lagaga hadlayo wadahadalada Soomaliland iyo Soomaaliya. Waftiga Somaliland ee uu hogamayo Madaxwayne Muuse Biixi ayaa loo soo dhaweyey si heer Sare ah.

SHIRKA MADAXDA SOMALIA IYO SOMALILAND EE DJIBOUTI 2020
SHIRKA MADAXDA SOMALIA IYO SOMALILAND EE DJIBOUTI 2020

Inkasta oo qaar ka mid ah Shacabka Soomaliland walaac ka qabeen ka qaybgalka shirkaasi hadana galinkii danbe ee maalinta Axada ayaa la bilaabay gudo galka shirka oo ay ka soo qayb galeen wufuud badan oo kakala socday wadamada Ethiopia, Soomaliya, Soomaliland iyo Dalka Jabuuti oo isagu ah martigalinaya shirkan ahna dhexdhexadiyaha(project mediation) iyo Maraykanka iyo sidoo kale waftiyo ka socda midowga Yurub iyo madaxda urur gobeleedka Africa ee Igad.

Hadaba Shacabka iyo Madaxda Soomaliland ayaa isha ku haya shirka Jabuuti ka socda iyo iyo shaqsiyaadka ama madaxda daneeyayaasha ku hawlan dib isku soo celinta midnimada Soomali wayn. waxana ka mid ah dadka shirka Dabada ka riixayey Dalka Maraykanka Safiirka u qaabilsan Soomaliya Mr Donald Yamamoto, Madaxwayaynaha Djibouti Ismail Cumar Geele iyo Raysalwasare Abiye ahmed Ethiopia (iwm) dhammantood wax ku midaysanyihiin in la isku daro Soomalilad iyo Soomaliya. Madaxwaynaha Soomaliland Muse Bihi qaybgalka shirka waxyaabaha uu ku guulaytay waxa ka mid ahaa ,in si isku mid ah madaxda dalalka kale loo qaabilo ee shirka imayaysa Dalka Jabuuti.

1. In meeqaamka Somaliland la geeyo laba dal oo midoobay 1960 isku mid ahna loo qaabilo isaga iyo farmajo, Waxana dhacaday in dhamaan madaxda shirka tagtay si meeqaam Sare ah oo isku mid ah ayaa loo qaabilay waxanay arintani kor u qaaday mansabka Dawladnimo ee Somaliland.

2. Mar haddii Ethopia iyo Djibouti labadaba daris aynu lanahay hadana reed carpet loo wada dhigay madaxweyne Somalilnd, sidaas Ayey ahaandoonta marka dambe ee Muuse Biixi ama Madaxwayne ka dambeeyaa tagayo labadaa meelood, iyo callmaka kaleba sida uu dhigayo protocol ka Caalamka.

3. Wadahadaladii kuwan ka horeeyey waxaa lagu qaban jiray Hotela- da Ankaram adisabaiyo dubai laakiin shirkan iyo wadahadladan Waxay ahayd madal caalami oo MEDIA COVERAGA badan helay, tasoo u gogol xaadhaysa hada wixxi ka dambeeya in aan hoos iyo Hutelada Turkiga dib loogu noqon ee horay loo socdo waxa kale oo Soomaliland ku guulaystay in koox reer somaliad ka soo jeeda oo Somaliya xil ka haysa aanay dhicin in ay soo hor fadhiistaan waftiga uu hogaamiyo Madaxwayne Soomaliland ee shirka Jabuuti ka qayb Galay.

4. Waxa manta lagu heshiiyo, wax ka markhaati ah maraykan iyo ethopia madadoodi ugu sarraysay, oo Somalia ka bixin mayso sidii ay horeba uga bixi jireen heshiisyadii hore . 5. Muse wuxuu kaxaysatay koox rug cadaa reer Sonaliland ah oo RECORD_ koodu can ku yahay inay si mintidnimo ah u daafacaan Qarannimada Somaliland. 6. isagoo Madaxwayne Biixi Muu jiyey Geesinnimo badan oo lagu tuhunsanaa in uu shirka ka dhiiban doono badheedhisiisa,waana laga aqabalay shuruudihiisii ay ka mid ahaayeen,waxa wadahadlaya Soomaaliya Italian iyo Soomaliland BritishProtoctroy taasina way u suurto gashay.

Geesta kale Safiirka maraykanka ee Soomaliya MrYammamoto oo isagu ay ka go,antahay Midnimada Soomali wayn ayaa inta badan ka badheedhaya doonistiisa inuu Somaliland mar kale ku celiyo midnimo-Somalia, lamuu gabban ee waxa dood arrintiisa ka soo horjeeda aad uga hadlay oo maqaallo badan ka qoray Mr. Micheal Rubins, oo ah siyaasi gaamuray islamarkana ah, qoraayada Caalamka ee aad u falanqeeya arrimaha Africa gara ahana geeska Africa. Micheal Rubins wuxuu maqaalo badan si qoto dheer ugaga hadlay horumerka dhainca walba ah ee soosmlailab gaadhay isagoo dinaca kale banaanka soo dhigay sida uu YAMOMOTO geed dheer iyo geed gaabanba ugu fuulay inuu Somalland curiyaamiyo.

Waxana dooda labada nin ee kor ku xusan laga akhriyi karaa qoraaladoda oo faahfaahsan maqaalada tirada badan ee Micheal Rubins ku qoray jaraidada “The hill “ ee kazoo baxda Washington DC, USA. Yamamoto hada hal sano ayaa u hadhay mudo xileedkiisa waana hawl gabayaa imka wixii ka danbeeya, waxaanu inta badan aad ugu dadlaaya inuu tarrikhdiisa gashado in uu soo afjaray colad Soomaliya yo Somaliland laakin waxba kamuu tarin kooxda alshabaab iyo dawlad goboleedyada sii kala fogaanaya ee ka jira koonfur Somaliya in uu isku soo dhaweeyo oo arintaa mr Yamamoto Wuu ku fashilamay waxanu doonaya meel uu indhaha caalamka ku jeediyo si loo yidhaahdo federalkii Ayuu wadaa Ayuu Waxan u samaynayaa.

Dhinaca kale Safiirka maraykanka ee Soomaliya Yanmamaoto wuxuu aad u jecel yahay oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay, inu farmajo sii ahaado madaxwynaha Somaaliya isagoo dabo gaar ah kale atrinta Farmaajo ,waxana uu Cadawga ku yahay Somaliland. Raysalwaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo Manta ka hadlay shirka ka dhacay Djibouti ayaa carrabka ku adkeeyay “si wada jir ah ayaan uga wada tashan karnaa.

Faallo: Waxa Qoray

Weriye Maxamuud Xuseen Jaamac (Jawhar)

Hargeysa/Somaliland.