Sirta Noloshu waa Fahamka Nolosha! Qaybta 2-aad Q: Maxamed Faarax Qoti

MAXAMED FAARAX QOTI.jpg
MAXAMED FAARAX QOTI.jpg

“Markabkan aynu saaranahay ma’dabeylahaa wadhfinaaya, mise, si fiicanbuu bad-weynta dusheeda u dhex-mushaaxayaa? Are we on board the ship plying nicely in the high seas or winded navigation?,.” Waa Qormo Xiiso Badan oo uu qoray Qoraa Maxamed Faarax Qoti (Q,2-aad).

Qof kasta oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaraddaas, waxa uu mar walba u dhegtaagayey oo uu isha ku hayey xogaha iyo dhaqdhaqaaqyaddii  ka socday qaybta hore ee laga waddo diyaaradaas,  ka dib, markii aanu saacado kooban hawada duulimaad hoose ku wareegnay, ayaa lagu guuleystay  in  si nabad-galyo ah ay u soo cago dhigaan hagayaashii gegida diyaaradaha (London City Airport) ee Caasimadda London ee Dalka Ingriiska.

Maalin waliba waayo leh, safarkaygii labaad waxa ay iigu naxdin badneyd, markii nalagu war-galiyey  annagoo ku jirna duulimaad  shan iyo koton kun oo dhundhunka hawada sare ah, in duuliyihii  (Pilot) diyaaradii aanu saarnayn uu geeriyooday (AHUN), isla markaana, uu la wareegay kaaliyihii duuliyaha (Co-pilot) diyaaradaas, haddana, waxa mar-labaad  nalagu war-galiyey in ay cilad farsamo ku timid oo ay u soo bixi waayeen taayiradii diyaaradu, ka dib, markii ay u soo dhawaatay gegida diyaaraduhu ka haadaan (O. R. Tambo International Airport) ee caasimada Kempton ee dalka South Africa.

Dhowr saacadood ka dib, ayey guuleysteen badbaadada diyaaradii aanu saarnayn diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka South Afrika, kuwaasoo hagayey, kuna dhiiri galinayey wadaha diyaaraddaas in uu ku soo fadhiisiiyo taayir la’aan  garoonka diyaaraduhu ka haadaan, taasoo markii ay soo cago dhigatayna ay u soo baxeen taayiradii.

Safarkaygii saddexaadna, anigoo dareensan cabsi aad u badan ayaan u soo raacay diyaarad caasimadda Paris ee dalka Faransiiska, diyaaradaas oo  goor caweysnimo ah ka haaday gagida diyaaraduhu ka haadaan (O. R. Tambo International Airport) caasimada Kempton ee dalka South Africa., ka dib, markii ay u gudubtay jooga hawda sare  ayaa mid ka mid shaqaalaha diyaaradaasi nagu wargaliyey in cilad farsamo ku timid afartii mishiin ee diyaaradaasi, sidaa awgeedna, ay farsamo-yaqaanadii diyaaradu ku hawlan yihiin hagaajinta matooraddii diyaaradaas, waxaanay ku qaadatay in ay ku hellaan ciladdii ku timid matooradda  muddo 15-daqiiqadood ah..

Shaqaalihii diyaaradii,  ayaa mar labaad nagu wargaliyey war dhiilo xambaarsanaa, waxaanay yidhaahdeen “Mudanayaal iyo Marwooyinba, rakaabka sharafta muddanow,  suumanka amaanka adkeysta, wajigana waxaad ku xidhataan qalabka hawo qaadashada ee gafuur gashiga, heerkulka  cimiladuna waxa uu marayaa 40-Digrii,  sababtoo ah waxa inala soo dersay dhibaato yar oo aan sidaas u weynayn, waxa hurdo dheer galay wadihii koowaad (Pilot) iyo wadihii labaad (Co-pilot) ee diyaaradaas, markaas lama garan karo muddada ay ka soo noqon doonaan hurdadaas dheer (Deep sleep), nasiib darro markii aanu isku daynay in aanu toosinana, way noo suurto-galiweyday inay toosaan La soco………

Qalinkii/ Maxamed Faarax Qoti

Hargeysa/Somaliland.