Prof Maxamed Siciid Gees oo ka Sheekeeyey Taariikh-nololeedkii Marxuun Cali Qoorseef

PROF MAXAMED SICIID GEES
PROF MAXAMED SICIID GEES 2016

Geerida ayaa laga horaysiiyey nolosha. Waxa la isugu xidhay geerida iyo nolosha sida aayaddu sheegtay in dadka lagu jitaabiyo sida ay ugu kala dhaqmaan ifka ay joogaan. Jidka toosan Rabbaw.

PROF MAXAMED SICIID GEES
PROF MAXAMED SICIID GEES 2016

Illaahay ha u naxariisto Marxuun Cali Maxamed Xasan(Oorseef). Waxa Marxuunku ku dhashay magaalada Berbera hooyada reer magaalanimada iyo ilbaxnimada dadka Somaliland, Somali Galbeed iyo Puntland.

Waxa uu ka dhashay qoys maalqabeen ah oo aabbihii tijaarta Berbera ee caanka ah ayuu ka mid ahaa. Waxa Aabbihii uu xidhiidh dhow la lahaa Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim oo uu taageere u ahaa, xataa marar ayuu dhaqaale ku taageeray.

Marxuun Cali Qoorseef waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay Berbera iyo Sheekh. Waxa uu aqoonta hawlaha maraakiibta, dekadaha, kastamada uu ku soo bartay: waddanka Iran waqtigii boqorku (Shaah) xukumo jiray iyo wadankii Federal Germany Republic ee West Germany la odhan jiray. Boqortooyada Sucuudiga ayuu u shaqo tegay, dabadeena ganacsi u gaar ayuu galay.

Sannadkii 1992, Marxuun Cali Qoorseef ayuu Hargeysa iyo Berbera ku soo noqday oo burbursan ilaa maanta 2020 sidii ayuu u joogay. Waxa uu door weyn ka qaatay dib-u-dhiskii dalka, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ee halbawlaha qaranka ah. Waxa uu ka mid noqday shaqaalihii u horreeyey ee loo qaatay kastamka Berbera (1993) ee Madaxweyne Cigaal imtixaanka ka qaaday, kuwaasoo Marxuun Cali uu noqday qofkii ugu sarreeyey imtixaankaasi.

Xillal kala duwan ayuu ka qabtay Wasaaradda Maaliyadda Waaxda Kastamada, taas oo uu muddo dheer ahaa Agaasimaha Waaxda iyo Agaasime-ku-xigeenkeeda. Hawlo bundhig u noqday Wasaaradda Maaliyadda iyo kobcinta dakhliga dalka oo loo aayey ayuu hirgeliyey.

1.     Taarifada cashuuraha horumarinteeda isaga ayaa hormood ka ahaa.

2.     Barnaamijka hawlgelinta Haaama shidaalka ee Sharkaddii Total ee ilaa maanta lagu shaqeeyo ayuu iyana hormood ka ahaa.

3.     Habka xiriirka ganacsiga ee Itoobiya iyo Somaliland iyo (Berbera corridor) iyo ( transit trade) ayuu xeerarkooda iyo heshiisyadooda ka midha dhaliyey.

Sannadihii (2007 ilaa 2010) xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin; waxa uu ahaa Wasiirka Horumarinta Kaluumaysiga, waqtigaas kadib Wasaaradda Maaliyadda ayuu khabiir ahaan kula shaqayn jiray. Waxa uu ahaa (Institution Memory) ama xogogaal hawlaha Wasaaradda Maaliyadda soo martay oo mar walba loogu baahnaa.

Marxuunku waxa uu ahaa qof dabeecad suuban oo macaariif badan leh oo bulshaawi ah. Marxuun Madaxweyne Cigaal ayaa igu yidhi isaga oo ka hadlaya Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe); “Waa ninka qudha ee Dhulbahante aan hubo inuu Somaliland aaminsan yahay.” Haddaba, sidaas oo kale; “Cali Qoorseef waxa uu ahaa ninka qudha ee Warsangli ee aan hubay inuu Somaliland aaminsan yahay.”

Marxuun Cali Qoorseef waxa uu ifka kaga tegay shan wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood abaalkiisii qarankooda ayey ka sugayaan. Marxuun Cali Qoorseef oo lagu aasay Hargeysa, Aabbihiina Hargeysa ayaa lagu aasay 41 sanno ka hor, Marxuunka iyo dhammaan ummadda Nebi Muxamed (SCW) Ilaahay ha u naxariisto oo kuwa nicmaystay jannada ha ka yeelo. Aamiin… Aamiin… Aamiin…