Madaxwaynaha Waxan U Soo Jeedinayaa Inuu Xeerkii Baananka Dib Ugu Celiyo Wakiillada

MADAXWAYNAHA QARANKA MD.MUUSE BIIXI waxan usoo jeedinayaa inuu Golaha Wakiilada dib ugusoo celiyo Xeerkii Baananka Ganacsiga Somaliland oo Golaha Wakiiladu dib ugu celiyeen  Xukuumadii Madaxwayne Axmed Siilaanyo sanadkii 2016.

Sidaasi awgeed sida uu jidaynayo Dastuurka Qaranka Somaliland qodobkiisa_13  BAANKA DHEXE QARANKA SOMALILAND WUXU QARANKA UGA MASUUL YAHAY ILAALINTA LACAGTA DALKA IYO SIYAASADA DHAQAALAHA WAXAANA WAAJIB KU AH HIRGALINTA BAANANKA GAARKA LOO LEEYAHAY.

Hadaba iyadoo la fulinayo SHarciga Dastuurka iyo sharciga Baanka DHexe waxa waajib ku ah Golaha Xukuumada iyo Golaha Wakiiladu inay ansixiyaan Xeerka Baananka Ganacsiga Somaliland uu ku maamulayo Baanka DHexe we Qaranku.

Sidaasi darteed Xeerkan Baananka Ganacsiga oo ah horseedka Baananka Caalamiga ah oo Dalka ka furta laamahooda ganacsi waxay horumarin u tahay Ganacsiga Dalka iyo maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee waxsoosaarka khayraadka Dalkeenan Somaliland.

 

Hadaba waa Lama huraan in Dalkeena iyo ganacsatada Dalkuba ay helaan maalgashi caalami ah iyo iskaashi ganacsi sida Dalkasta caalamka ka mid ahiba u leeyahay xidhiidh ganacsi WAA waajib inuu shaqeeyo Xeerka Baananka Ganacsigu.

Hadaba xeerkan oo Golaha Wakiiladu dib ugu celiyeen Madaxtooyada 2016 wali wuxu yaalaa xafiiska Madaxwaynaha sidaasi awgeed waxan leeyahay Madaxwayne Waa Waajib Dastuuri ah inaad Golaha Wakiilada dib ugu gudbiso idinkoo waxa ka khaldan iyo kaabis ku samanaya hadii Allah yidhaa wabilaahi Towfiiq

QORE.MOWLIID AADAN CUMAR

HARGAYSA