Madaxweynaha Soomaaliya oo Raysal-wasaaraha ka dalbaday inuu is-casilo iyo diidmada Saacid

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Raysal-wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ka dalbaday inuu is-casilo, isla markaana uu banneeyo xilka Raysal-wasaarennimo ee Soomaaliya oo uu ku sababeeyay Madaxwayne Xasan inuu Saacid xilkiisa ka soo bixi waayay sida la sheegay.

Khilaafka labada Masuul, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo is beddal muuqda oo lagu sameeyo Xukuumadda hadda jirta, isagoo Madxaweynuhu u yeedhay Raysal-wasaaraha, kana dalbaday in uu booska banneeyo, isna casilo si is beddal Muuqda Xukuumadda loogu sameeyo.

Raysal-wasaare Saacid, ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday dalabka Madaxweynaha ee ku aaddan in uu is-casilo, waxaanu  taa beddalkeeda Madaxweynaha ku wargeliyay in is beddel  uu ku samaynayo Golaha Wasiirrada tirada hadda jirtana laga ballaadhiyo.

Raysal-wasaare Saacid, ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka dalbaday in uu u madax banneeyo howsha Xukuumadda si uu u sameeyo is beddel  muuqda, waxaanu Raysal-wasaaruhu sida la sheegay mar horeba soo diyaarsaday, isla markaana u gudbiyay Madaxwaynaha Soomaaliya liiska isku shaandhayn uu damacsan yahay inuu ku sameeyo Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa.

Gudbinta liiska cusub ee Raysal-wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay Madaxwaynaha Soomaaliya, ayaa keentay in labada Masuul ee ugu sarreeya, isku dhacaan oo ay sababto inuu Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dalbado inuu xilka iska casilo Raysal-wasaare Saacid, taasoo uu ku gacan-saydhay Raysal-wasaare Saacid oo la sheegay inuu immika wada-tashiyo kula jiro La-taliyeyaashiisa siyaasadda, isla markaana waxaa immika ay xaaladdu maraysaa inay sii kala fogaanayaan labada masuul.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland