Muwaaddin Maalin walba Wakhti ku bixiya in uu Shacabka ka Wacyi-geliyo Covid19

Hargeysa(AFN):- Waxa uu magaalooyinka waaweyn qaarkood, gaar ahaan caasimada ku dhex wareeggaa gaadhi uu ku rakiban yahay codbaahiye gudbinaya farriimo wacyi-gelin ah oo ku saabsan ka foojignaanta cudurka Corona Virus. Gaadhiga isagaa leh, qalabka cod-baahiyaha isagaa Iibsaday, kharashka maalinlaha ah ee kaga baxa howshana isaga ayaa daboola, sida uu sheegay.

Ka sekow farriimaha codka ah, waxa uu gaadhigiisa ku dhejiyey waraaqo ay ku taxan yihiin tilmaamaha ka hortagga cudurka Covid19 oo faro-baas ku haya dunida oo dhan, si gaar ahna ay ula daalaa-dhacayaan wadamada geeska Afrika oo aan lahayn itaal badan oo ay kula tacalaan cudurkaasi.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim waa muwaadin u dhashay Somaliland oo ku nool magaalada Hargeysa, ahna aqoonyahan xoogsada oo u shaqeeya mid kamida Shirkaddaha Isgaadhsiinta dalka, hase ahaatee intaasi waxa u dheer in uu yahay murrashax u taagan Golaha Wakiillada ee Dalka, isagoo inta badan ka shaqeeya howlaha danta guud oo ay kamid tahay arrintan wacyi-gelinta Covid19 ee uu iskii isugu xilqaamay. Xukuumadda Somaliland, ayaa kharash iyo tacab badan ku bixisay wacyi-gelinta cudurka Corona Virus, iyadoo dadweynaha loo mariyo barmaamujyo ku taxaluqa xakamaynta cudurkaasi qaybaha Warbaahinta, gaar ahaan Telefishanada, wargeysyada, mareegaha iyo waliba sameecado lagu xidhay suuqyada Hargeysa si dadka loo gaadhsiiyo digniinta cudurka.

Hase ahaatee, Eng. Axmed Cabdi Ibraahim cidna kuma maal-geliso barmaamujka uu iskii u qabto ee wacyi-gelinta ah, waxaanu sheegay in uu howshan waday tan iyo markii cudurku ka dilaacay dalka. “Muddo laba bilood ahba waan waday howshan, waxaana igu kalifay markii aan arkay halista cudurkan iyo dadkii oo aad moodo in aanay fahamsanaynba halista cudurka, ayaan go’aansaday in aan wixii aan qaban karo qabto.” ayuu u sheegay Wargeyska Dawan Eng. Axmed Cabdi xilli aanu kula kulanay magaalada Hargeysa.

Way dhici kartaa in ay ogyihiin masuuliyiinta Dawladda qaarkood howsha baaxada leh ee uu Ninkani isu-xilqaamay, balse wali may xusin guddida uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ee u xilsaaran xakamaynta Covid19. Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo dhawaan waraysi siiyey Telefishanka Universal, ayaa tilmaamay “maalin walba laba saacadood ayaan ku bixiyaa howsha wacyi-gelinta oo aan dhex maraa dadweynaha anigoo gaadhiga wata.” ayuu u sheegay Telefishanka.

“Magaalada Hargeysa degmo aanan ku noqnoqoni ma jirto, dadkuna qaar ku soo dhaweynaya iyo kuwa ku hiifayaba way leeyihiin”ayuu mar kale u sheegay Dawan. Waxa uu intaasi raaciyey in uu xataa wacyi-gelinta ka fuliyey degmooyin ka baxsan magaalada Hargeysa “gaadhiga sidaas uunbuu u saaranyahay maykirifoonku meeshaan jooggaba waan ku shidaa”ayuu xusay.

Iyadoo ay socdaan dedaallada lagu xakamaynayo cudurku, lana qaaday talaabooyin badan oo ay khubarrada caafimaadku ku taliyeen in lagula tacaali karo faafitaankiisa, haddana cudurka Corona Virus waxa muuqata in uu todobaadyadii u dambeeyey xadhkaha goostay gudaha Somaliland.

Sababtu siday doonto haku timaadee, waxa jira dareen odhana in maalmihii u dambeeyey ee ramadaan saxmada iyo dhaqdhaqaaqa dadweynuhu sabab u noqday in ay bulshadu aad isu dhex qaaday. Eng. Axmed Cabdi Ibraahim, ayaa qaba in la sii laba jibaaro wacyi-gelinta shacabka, lana isticmaalo qaabab kala duwan oo baraarugga bulshada sii xoojin kara. Tirada Kiisaska cudurka ee guud ahaan dalka ayaa maraysa 217 qof, waxaana u dhintay alle ha u naxariistee 17.