Madaxweynaha Puntland: “Waxaan Tuhunsannay inay Cid Diiddan Nabadda Puntland Adeegsanayaan Al-Shabaab..”

MADAXWEYNAHA PUNTLAND SA'IID ABDILLAAHI DANI 2020
MADAXWEYNAHA PUNTLAND SA'IID ABDILLAAHI DANI 2020

Garoowe(aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland ee federaalka Soomaaliya Saciid Cabdillaahi Deni, ayaa sheegay inay tuhun ka qabaan inay jirto cid gaar ah oo Kooxda Al-Shabaab u adeegsaneysa dhibaateynta nabadgelyada iyo degganaanshaha dowladeed ee Puntland.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND SA'IID ABDILLAAHI DANI 2020
MADAXWEYNAHA PUNTLAND SA’IID ABDILLAAHI DANI 2020

Saciid Cabdullaahi Deni oo Sabtida maanta ka hadlay munaasibadda Ciidul-fidriga oo Soomaaliya, Somaliland iyo meelo kale laga tukaday, ayaa soo hadal qaaday qoraallo ay horay u qoreen warbaahinta Caalamka qaar, oo uu shegay in ay sii daayeen xog ah in khilaafka ka jira dalalka Khaliijka ay  loolankiisa usoo weeciyeen Soomaaliya, iyaguna ka maamul ahaan ay sameynayaan baaritaan quta-dheer.

“Waxaan tuhun ka qabnaa in dad gaar ah ay adeegsanayaan Al-shabaab, iyagoo diiddan nidaamka iyo dowladnimada Puntland.” ayuu yidhi Madaxweyne Deni. Waxaanu shaki geliyay beegsiga laba guddoomiye goboleed oo maamulkiisa ka tirsan muddo isku dhow, iyo dilkii guddoomiyahii Gobolka Banaadir oo dhammaantood lagu dilay qaraxyo.

AL-SHABAABTA PUNTLAND PHOTO GOOGLE
AL-SHABAABTA PUNTLAND PHOTO GOOGLE

Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntalnd ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan sheegay in ay u aari doonaan Guddoomiyihii gobolka Mudug oo qarax lagu dilay, waxaana qaraxaasi sheegtay Al-shabaab, iyadoo kooxda Al-Shabaab iyo Dowlad-goboleedka Puntland dagaal ka dhexeeyo, sannado badanna dagaal qadhaadhi dhex-marayey Kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ee Buuraha Galgala fadhigoodu yahay, kuwaas oo ay deegaanno kala duwan iskaga horyimaaddaan.

aftahanin@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.