Madaxweynaha Puntland oo ka warramay Roobab Dabaylo wata oo illaa boqol qof ku dhinteen

Garooweye(Aftahannews):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa maanta ka hadlay khasaaraha ka dhashay Roobab dabaylo wata oo labadii habeen ee ugu dambeeyey ka da’ayey deegaannada Puntland ee ku teedsan Xeebta bad-weynta Hindiya.

faroole3333

Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay inay Roobabka ku dhinteen 100 qof, sidoo kalena ay ku le’deen kumannaan xoolo ah. Madaxweyne Faroole, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo soo wajahday Puntland, wuxuuna magacaabay Guddi heer maamul ah oo u xil-saarnaan doona wax-ka-qabashada xaaladda.

Waxaa kale oo uu sheegay Madaxweynaha Puntland inay Xukuumad ahaan diyaariyeen Dawo, Cunto iyo Agab kale oo loogu gurmanayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay Roobabkaas Dabaylaha wata, isla markaana ay daabuli doonaan Ciidammada Badda ee Puntland.

Madaxweyne Faroole waxa uu sheegay inay dawlad ahaan Guddi u magacaabeen ka hawlgelidda Masiidabada dhacday oo ugu yaraan la aamminsan yahay inay illaa boqol ruux ku geeriyoodeen, Xoolo aad u badanina ku madheen, isla markaana dhaliyey khasaare badan oo duunyo mood ah oo guryo u badan.

Deegaannada ku dherersan Xeebta Badweynta Hindiya ee Hoos yimaadda degmooyinka Bandar-bayla iyo Eyl, ayaa ugu badan meelaha uu khasaaruhu ka dhacay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.