Amb: Aadan Muuse Jibriil oo Iftiimiyey Xogaha ka dambeeya Hadal-haynta Wadahadalka Somalia & Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Muddooyinkan dambe waxa muuqda in Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu beddelay qorshe uu sannadkan isku dayay inuu ku waajaho wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo ahaa inuu Hargeysa keeno Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, balse aanu ku guulaysan, ka dib markii Shacabka, Golayaasha Baarlamaanka iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland si weyn uga horyimaaddeen horraantii sannadkan.

Hase-yeeshee, Wararka soo baxaya, ayaa waxay sheegayaan in Raysalwasaare Abiye Axmed uu wada hadalada u wareejiyay Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ka dib markii uu Abiye qaatay fikir ah in dadka reer Somaliland xasaasiyad ka qabaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qorshaha cusub ee Abiye iyo Khayre u dejiyaan Somaliland, mana jiro war rasmi ah oo ay Hargeysa, Muqdisho iyo Addis Ababa ka soo saareen dhaqdhaqaaqyadan. Sidoo kale, waxa jira warar sheegaya in Ra’iisal-wasaare Abiye uu dalalka Carabta qaarkood u bandhigay aragtidiisan cusub.

Haddaba, Prof: Aadan Muuse Jibriil oo hore u noqday Safiirka Somaliland u Fadhiyey Dalalka Britain iyo Itoobiya, xilliyadii Xukuumaddii Siilaanyo, isla markaana noqday Wakiilka Somaliland u qaabbilsan Xafiiska Midawga Afrika, xilkaas oo uu iska casilay 2018-kii, ayaa ka warramaya waxa uu kala socdo dhaqdhaqaaqyadaa siyaasadeed iyo xaqiiqooyinka ku waajahan saaxiibtinnimada Itoobiya u muujinayso Dowladda Soomaaliya wakhtiyadan dambe.

Ambassador Aadan Muuse Jibriil oo sharraxaya arrimahaas, isla markaana ka jawaabaya su’aalo laga weydiiyey, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.