Laascaanood(Aftahannews):- Roobab mahiigaan ah oo sababay barakac iyo cabsi ka jirta deegaannada qaar ayaa maalintii saddexaad ka da’aya qeybo ka mid ah gobolka Sool.
Siday faafisay shabakada Bar-kulan, ayaa ku soo warrantay in roobabku aanay geysan khasaare la og yahay, hase yeeshee ay jirto cabsi ku aaddan waxyeello ka iman karta haddii ay sii socdaan ama ay yeeshaan dabaylo.
Deegaannada miyiga qaarkood oo u badan dooxooyinka iyo meelaha kale ee jooggoodu hooseeyo ayaa lagu soo warramayaa in ay dadku ka barakacayaan, si ay uga badbaadaan daadadka iyo dabaylaha laga baqayo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in aan war rasmi ah laga hayn deegaannada miyiga qaarkood, ayna roobabka iyo cabsiduba sii xoogaysanayaan.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.