Boqor Buurmadoow Muxuu ka yidhi Doorkiisa Jabhadda lagaga Dhawaaqay Galbeedka Sanaag?

Dubai/ Hargeysa (Aftahannews):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow, oo Warbaahin dalka qaarkood u warramay isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay Jabhadda lagaga dhawaaqay Galbeedka Gobolka Sanaag 16-kii bishan April 2020 oo Xubno ka hadlayey Muuqaal laga soo duubay Jabhaddaas oo Baraha Bulshada lagu baahiyey ku celceliyeen Magaca Boqor Buurmadoow.

Xubnaha sheegay inay Jabhad ku dhawaaqeen, ayaa ku hanjabayey in haddii la xidho Buurmadoow ay dagaal ka xigaan, mar dambena aanay aqbali doonin in dowladdu u hanjabto Boqorkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Hase-yeeshee, Boqor Cismaan Buurmadoow oo lagu eedeeyey inuu Jabhaddaas aasaasay, ayaa ku dooday inaanu shaqo ku lahayn, isla markaana cidda isaga ku eedaynaysaa ay tahay cid doonaysa inay sumcaddiisa iyo sharaftiisa dilaan.

Boqor Buurmadoow, waxa uu sheegay in Xubnahaas Jabhadda noqday ay ku ogaayeen iyagoo shaqaale dowladeed ah, isla markaana ka mid ahaayeen Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland, balse tabasho iyo cadaalad-darro ay tirsadeen ku kalliftay inay Jabhad hubaysan ku dhawaaqaan.

Waxaanu Boqor Cismaan Buurmadoow, in cadaalad-darro ay tirsadeen Xubnaha Jabhadda ku dhawaaqay oo waxba laga qaban waayey ay illaa heer Jabhadeed gaadhsiiso ay ceeb iyo fool-xumo ku tahay dowladda Somaliland, isla markaana sharaf dhac tahay in  Ciidammadii Qaranku sida Cawsha u kala yaacaan, waxaanu ku baaqay in arrintooda xal iyo wadahadal lagu dhammeeyo oo aan la fogaynin.

Boqor Buurmadoow oo arrimahaas iyo kuwo kaleba ka hadlaya, kana jawaabaya su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey waxa uu kala socdo samaynta Jabhaddaas deegaankiisa lagaga dhawaaqay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.