“Madaxweyne Haddaynaan Dadka u Nixin ku Talogal inaad Covid-19 u geeryooto, Anna u geeryoodo, Qof Kastaana..” Dr. Gaboose

DR MAXAMED CABDI GABOOSE IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2020 IYO COVID-19
DR MAXAMED CABDI GABOOSE IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2020 IYO COVID-19

Hargeysa(aftahannews):- Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa mar kale ka digay Halista uu Somaliland ku yeelan karo Sadhada aan Xuduudka lahayn ee Dunida sida Dabaysha ugu fiday ee Covid-19, waxaanu Dowladda Somaliland ugu baaqay Joojinta Qaadka, Xidhista Xuduudaha Cirka, Dhulka iyo Badda ee sida maalin laha ah looga soo galo Somaliland, xilli ay Dunidu Albaabbadeeda oo dhan wada xidhay.

DR MAXAMED CABDI GABOOSE IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2020 IYO COVID-19
DR MAXAMED CABDI GABOOSE IYO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2020 IYO COVID-19

Dhakhtar Gabboose oo Jimcihii maanta oo ku beegnaa 17-ka April 2020 Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa uu Sharraxay sida Dowladaha Dunidu u dedaaleen, dhibaatada uu Xanuun-dhaliyaha Corona-virus ee keena Covid-19 iyo saamaynta uu kaga tegayo cudurku cidda aan u dhiman ee uu ku dhaco iyo sida ay Somaliland Dowladdeeda iyo Dadkeedu isu dhigteen, waxaanu intaas ku daray in Qof kasta oo Somaliland joogaa u diyaar-garoobo geeridiisa amma geerida Qof uu jecel yahay Ehel iyo Asxaab kuu doonaba ha noqdee, isagoo si gaar ah uga dayriyey cunista iyo ka ganacsiga Jaadka.

Sidoo kale, waxa uu Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo si qiiro leh u hadlay Baaq u diray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi una soo jeediyey inuu u damqado Bulshada uu hoggaamiyaha u yahay, waxaanu naqdiyey tallaabooyinka wacyigelineed ee Guddiga ka hortagga COVID19.

Haddaba, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo Shir-Saxaafadeedkiisa Jimcaha maanta uu noqonayo kiisii saddexaad ee uu kaga hadlo Cudurka Covid-19 iyo tallaabooyinka Dowladda iyo Dadka Somaliland looga baahan yahay inay kaga gaashaantaan, waxaannu hadalkiisa maanta idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.